Somaliland: Cadaadiskii Beesha Caalamka Oo Xukuumadda Culays Saaray, Guddoomiyaha Guurtida Oo Shalay Ku Kallahay Qasriga Madaxtooyada Iyo Kulan Aan Ujeedadiisa La Shaacin Oo Dhex Maray Isaga Iyo M/Siilaanyo

253

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shalay kulan aan saxaafadda loo ogolayn waxa uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kadib markii shalay gelinkii hore uun Guddoomiyaha Guurtidu si kedis ah booqasho ku tagay Qasriga Madaxtooyada walina war rasmi ah Madaxtooyadu kama soo saarin natiijada kulankaasi iyo waxa uu daarnaa toona.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in shalay saacado badan uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku qaatay Aqalka looga arrimiyo dalka ee Madaxweyne Siilaanyo fadhiyo iyada oo aan la ogayn rasmi ahaan ujeedada booqashada Guddoomiye Saleebaan ee Madaxtooyada iyo waxa ay ku saabsanayd toona balse wararkani waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay isla eegeen qaabka ugu habboon ee Golaha Guurtida Somaliland uga jawaabi doono go’aankii midaysnaa ee ay dhawaan isla qaateen Madaxtooyada, Kimishanka iyo saddexda Xisbi qaran ee ku aaddanaa dib u dhaca doorashooyinka Somaliland taasoo la filayo in Golaha Guurtidu ugu dambayn muddeeyo wakhtiga ku meel-gaadhka ah ee ay isla qaateen dhinacyadaasi oo ku beegan Oktoobar 2017 in ay ku qabsoonto doorashadii Madaxtooyadu halka ay isla Bishaasi sannadka dambe ee 2018 ay ka muddooyeen doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiilada.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo ayay wararku sheegayaan in ay shalay kulmeen balse aan wax war ah laga soo saarin iyada oo kulankaasi ku soo beegmayo wakhti axsaabta Mucaaridka iyo Muxaafidkuba ka werwer qabaan in Golaha Guurtidu muddo dheeraad ah ku daro wakhtiga ay odoros ahaan hore isula qaateen.
Sidoo kale wararka aannu ka helayno qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in culays weyni ka haysto cadaadiskii ay beesha caalamku xukuumadda Somaliland ku saartay dib u dhaca doorashooyinka dalka taasi oo keentay in maalmihii ugu dambeeyey madaxtooyada laga dareemayay dhaqdhaqaayo dareen leh oo ku aaddan sidii ay xukuumaddu isku waafajin lahayd xaaladda abaareed ee dalka ee keentay dib u dhaca doorashada iyo waliba sidii aanay xukuumaddu u lulin lahayn saaxiibtinamadii beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta dhinacyada geeddi socodka dimuquraadiyadda oo si cad u sheegay in ay ka xun yihiin dib u dhacyada doorashooyinka Somaliland wakhti la warinayo in ay beesha caalamku doonayso in ay awoodda saarto doorashooyinka dalkaasi Soomaaliya oo ay Somaliland taageeradeeda hoos u dhigaan.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo shalay Wargeyska Foore u warramay waxa ay tibaaxayaan in aanay wali golahooda soo gaadhin go’aamadii dhawaan ay isla qaateen Madaxtooyada, Komishanka iyo axsaabta qaranku ee ku aaddanaa muddo kordhinta kooban ee ay dib ugu riixeen doorashadii Madaxtooyada ee hore Maxkamadda sare ugu muddaysay aakhirka Bisha soo socota ee March iyaga oo xildhibaanadaasi noo sheegay in aanay wali Goluhu wax talo ah ka yeelan arrinkaasi ayna ka hadli doonaan marka rasmi ahaan loogu soo gudbiyo maadaama ay yihiin hay’adda xaqa u leh in ay qiimayso xaaladaha ay dib ugu dhici karaan doorashooyinku wakhti dalku sii galayo xaalad abaareed oo aad u daran.

Comments

comments