Somalia: Xasan Sheekh Oo Loo Diiday Inuu Ka Qeyb Galo Shir Madaxeedka Midowga Afrika Ee Ka Furmaya Caasimada Itoobiya Ee Adis Ababa

320

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya ee xilka sii haya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay in loo diiday ka qeyb galka Shirka 28-aad ee Madaxda dowladaha Afrika oo la filayo inuu maanta oo Isniin ah ka furmo xarunta AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Shirkaasi oo socon doona labo maalmood ayaa waxay Madaxda dowladaha Afrika waxay ku dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee midowga Afrika oo ay isku soo sharaxeen dhowr musharax oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibeda kenya Aamina Maxamed, Wasiirka arrimaha dibadda Botswana Pelonomi Venson Moitoi ,Agapito Mba Mokuy oo ka socda Equatorial Guinea, Moussa Faki Mahamat oo ka socda Chat, iyo Abdoulaye Bathily. oo ka socda Dalka Senegal.
Amina waa Musharraxa kaliya ee ka socda Bariga Afrika haddii ay ku guuleysatana waxay ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo Soomaali uu qabto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika qabto Taariikha Ururka. Madaxda Afrika intooda badan ayaa waxay joogaan Addis Abeba, halka kuwo kalena ay ku sii wajahan yihiin, marka laga reebo Madaxweynaha xilka si haya ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Murashax Madaxweyne. Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, danjire Michael Keating ayaa sheegay in Xasan Sheekh uusan ka qeyb geli karin Shirarka caalamka, maadaama uu xiligiisu dhamaaday, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia C/salaan Omar Hadliye u matali doono Somalia shirarka Caalamiga.
Somalia aya lagu wadaa iney wixii ka dambeeya 8da bisha soo socota yeelato Madaxweyne dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota ka dib markii waqtiga ka dhacaya madaxweynaha xilka sii haya Xasan Shiikh Maxamuud.

Comments

comments

SHARE