Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Somaliland Cali Dhegoole ayaa waxaa uu maanta ku dhawaqey in ay xukuumadu dhinaceeda magacowdey guddi farsami oo ka soo talo bixisa wakhtigu ugu haboon ee adeegyada Zaad iyo E-Dahab laga saari karo System kooda waxii ka yar $ 100

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in gudidaas ay magacabeen ay ku jiraan niman khubaro ah oo aqoon u leh IT-ga isla markaana ay u arkeen in ay dhex u yahin xukuumada iyo shirkada Telesom iyo Dahabshiil .

Dhinca kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in gudidaasi sida ugu dhakhaha badan ay u hawali doonto isla markaana qoraal lagu ogeysiinayo in ay xukuumadu magacowdey guddi dhinacooda ay u gudbiyeen shirkada Dahabshiil iyo Telesom

 

Comments

comments

SHARE