Somaliland: Qodobbo Laga soo Saaray Dirir Laba Beelood ku Dhex-martay Deegaanka Buuhoodle

Qodobbo nabadeed ayaa laga soo saaray dirir ku dhex martay laba beelood ceel biyood ku yaalla deegaanka Buuhoodle oo lagu magacaabo Higlo-kadhacday oo qasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay ay ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah oo deegaankaas wada dega.

Deegaanka higlo-ka dhacday oo ah ceelbiyood (laas) ah dhinaca bari ka xiga 40 km ayaa 22/23 kii bishan iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray beelaha dega halkaas,shaqaaqada labada beelood ku dhex martay ceelbiyoodka ee dhimashada iyo dhaawaca sababtay ayaa waxaa gurmad nabadeed ka galay madaxdhaqameedka deegaanka oo isu keenay waxgaradka labada dhinac isla markaana ka soo saaray 6 qodob oo sal u ah nabad ku wada noolaansha labada beelood iyo ka wada cabbidda ceelka.
Qodobada;

1-In Ceelasha higlo-ka dhacday si siman looga wada cabo
2-In aan wax booyado ah laga ogolayn ceelasha higlo-ka dhacday in laga dhaamiyo
3-In deegaanka ceelasha aan wax hub ah lala soo gali Karin
4- In Qolo Waliba soo saarto gudi 11 ah oo ah saddex geesood ah oo kala ah beesha caligeri 11 ,beesha maxamuud barkad 11 iyo Beesha cali barkad oo 11 kuwaas oo looga dambayn doono wadaagista biyaha ceelka.
5-In labada qoloba ay qaataan nabad ay beelaha walaalaha ahi ku wada degganaadaan.
6-In ciidamada la kala Qaado u soo gurmaday dagaalka.
Go’aamadan oo ay labada dhinacba si buuxda u qaateen waxa dhinacyada u kala guddoomay Caaqil Cabdiaahi caaqil Maxamed Dheeg oo beesha barkad u guddoomay iyo Caaqil Cabdicasiis Jaamac Barre oo beesha Caligeri u guddoomay ,sidoo kale waxaaa shirka labada dhinac la isugu keenay guddoominayey isimada kala ah
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe
Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale
Suldaan Siciid Cismaan Cali

Comments

comments

SHARE