Somaliland: Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Iyo Haldoorka Dalka Oo Ka Soo Qeyb Galay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah ku maamuusay suldaanka guud ee beelaha Somaliland sida oo kale na ah suldaanka guud ee beesha Warsan-gali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire oo maalmahii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbiga WADDANI Md.Jamaal Jaamac Xaamud, xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyaanle, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, siyaasi Cali Sanyare, qaar ka mid ah hoggaanada iyo guddiyada fulinta ee Xisbigaasi, waxa kale oo kulankaas dhinaca kale na ka soo qeyb-galay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md.Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami, ugaasyo, madaxdhaqameed iyo cuqaal tira badan oo ka soo jeeda beelahaasi.

Kulankan oo ujeedkiisu daarnaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa xaaladda guud ee dalka, abaaraha iyo weli ba sida oo kale wada-jirka iyo wax wada-lahaanshiyaha beelaha Somaliland, ayaa ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay afhayeenka Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Cali Maxamuud Xaaji Dirir iyo xildhibbaan Axmed Cali Jaamac(Gacmo-dheere) oo hore uga tirsanaan jiray golaha Guurtida Somaliland imika na ka mid ah u beelaha Warsan-gali, waxaana ay labaddoodu ba ku dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan hadhimo sharafeedka ah ee lagu qaabilay suldaanka guud ee beelaha Somaliland, iyaga oo iftiimiyey in ay guddoomiye Cirro ku boggaadinayaan doorka muuqda ee uu ka qaato isu soo dhaweynta iyo ka shaqeynta wax wada-lahaanshiyaha beelaha Somaliland isla mar ahaantaana ay ka beel ahaan aad ula dhacsan yihiin siyaasadda Xisbiga WADDANI.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan Xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbigaasi Md.Jamaal Jaamac Xaamud, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, siyaasi Siciid Sulub, Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay dhammaantood ba ku dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay ka xisbi ahaan qado sharaftan ku maamuusaan Suldaanka hoggaamiya saldanada faca-weyn ee beelaha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md.Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Xisbiga WADDANI uu si heer qaran ah hadhimo sharafeed ugu sameeyo suldaanka guud ee beelaha Somaliland, waxaana uu Xisbigaas ku amaanay in sida ay uga shaqeynayaan danta guud iyo weli ba sida oo kale wax-wadalahaanshiyaaha ka dhaxeeya beelaha Somaliland.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi oo isna dhankiisa erayo kooban halkaas ka soo jeediyey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay hadhimo sharafeed ku maamuusaan Suldaanka guud, waxaana uu tilmaamay in suldaanku ka soo jeedo saldanadda ugu faca-weyn Somaliland isla mar ahaantaana mudan yahay soo dhaweyn iyo weli ba sida oo kale in la karaameeyo.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Siciid oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa erayo mahad-naq ah u jeediyey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo uu sheegay in uu uga mahad-celinaayo soo dhaweynta iyo weli ba hadhimo sharafeeda uu ku maamuusay, waxaana uu tilmaamay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay kulmaan guddoomiye Cirro balse ay wakhtiyo badan oo hore ay jirtay kulamo iyo casuumado ay iskugu yimaadeen isla mar ahaantaana ay wax badan isku la meel dhigeen balse ay casuumaddan maanta tahay mid uun sii xoojinaysa kulamadii hore u soo socday.

 

Comments

comments

SHARE