Somaliland: Madax-Dhaqameed, Odayaal Iyo Xildhibaano Ammaanay Doorka Shirkadaha TELESOM Iyo Kuwa La Midka Ahi Ka Ciyaareen Horumarka Iyo Koca Dhaqaale Ee Dalka

Somaliland: TELESOM Unveils 4G++ Next Generation Mobile Network Technology at Exhibition
Abdiwahab Mah, Telesom Public Engagement and CSR Director

Salaadiin, Boqorro, Ugaasyoo, Odayaal, Xildhibaano iyo Madax-dhaqameed kale oo badan oo warbaahinta kula hadlay Huteel Ambasaddor ee Magaalada Hargeysa ayaa si ba’an u dhaliilay siyaasadda xukuumadda Somaliland ee ku aadan xayiraayadda adeegyada ZAAD iyo e-Dahab ee shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo umadda waxtar ballaadhan u leh iyo shirqool ay xukuumaddu ku marin habaabinayso masuuliyaddeedii hoos u dhigista sicir bararka iyo sarrifka lacagaha qalaad oo bay yidhaahdeen markii ay ku fashilantay ay kula soo galgalatay shirkadahaasi waddaniga ah oo ay ku tilmaameen kuwo qaranka iyo umaddaba waxtar ballaadhan u gaystay oo u leh sidoo kale aan mudnayn in dhaliilo aanay lahayn dusha loo saaro iyaga oo xukuumadda aad u dhaliilay.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah boqorrada Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi Jeex oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan Halkan tacsi uga dirayaa dhammaan umadda reer Somaliland ee la jahawareeriyey. Waxa aan ka xumahay qofka dhaliisha leh ee doonaya in uu kula galgasho cid aan dhaliil lahayn. Maamulkan dalka maanta ka jira ee daciifka ahi meel walba markii uu soo baabi’iyey ee uu masaxay waxa uu doonayaa in dhaliishii uu cid kale oo aan lahayn kula galgasho. Iyagana waxaan leeyahay waan ka xunahay waxaa la idinkula soo galgashay. Dadweynaha waxaan leeyahay waar waad aragtaan sida la idiinla dhaqmayo. Nabadgelyadiina ayaa duullaan lagu yahay. Wax dhibaato ahi ma jiraan ee dadku ha isku dajiyo niman baa ku shaqaysanaya dambiilayaal ah. Waxaan leeyahay waar ninka gurigiisu quraarad yahow guri dhagax ah ka tuurtuurin. Markii ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday ee loo doortay ayay doonayaan in ay eedda ay sitaan cid kale saaraan oo ay la doontaan. Dawladdaasi daciifka ah ee doonaysa in ay dadkii isku dhufato oo qabaa’ilkii isku dhufato ee doonaysa in ay shirkadaha isku dhufato ee doonaysa in ay dalka fawdo ka rido waxaanu leenahay idiin suurto gali mayso. Waxa uu daliil ah ninka la yidhaahdo Maxamuud Xaashi markii uu hadlayay ee uu akhriyayay qodobada waxa la yidhi layligu waxa uu ka digaa biyaha kalkiisha ku jira. Waxa uu yidhi doollarku ma dhaafi karo 700 oo kun. Waa waxa uu isagu soo qaatay ee uu watay weeyi. Waxa uu moodayaa in umaddu wada haysato. Waa xoolihii umadda ma waxa uu moodayaa wax uu leeyahay”. Ayuu yidhi Boqor Raabi.
Boqorka oo arrimahan ka soo hadlayaa waxa uu yidhi: “TELESOM waa tii la arkayay in ay dhaqaalihii ugu faraha badnaa ugu yaboohday umadda tabaalaysan ee dhibaataysan. Wiig hortii ayay ahayd markii aanu maqalnay in ay dadka abaaruhu saameeyeen ugu deeqeen shan boqol oo kun oo dollar. Horena waannu u maqlaynay lacago kale oo badan. Waxa aannu ognahay in ay yihiin shirkad u dhago nugul waxa loola tago ee loo sheego in ay soo caawiyaan hadba ciddii dhibaataysan. In maanta shirkaddaasi iyo kuwa la midka ahba la eedeeyo xaq looguma laha. Nimanka xaraashay dhulkii iyo hantidii umadda ee illaa Ingiriiskii laga dhaxlay ee iibsaday ee lacagaystay ee jeebka ku shubtay ee haddana doonaya in ay cid kale eedeeyaan annagu ka yeeli mayno umadduna ka yeeli mayso. Waa nimanka garoomadii iyo dekedihii u soo dhigtay ee maanta doonaya inay fawdo inna galiyaan. Waxa kale oo ay u soo dhigteen meeshii uu adhigayagu daaqayay buu yidhi shidaal baan ka soo saarayaa. Aniga oo jooga wallaahi baan ku dhaartee in aanad ka baadhayn kaasowna. Waa ka macdanta biyaha baa la yidhi oo kolba afar qof u yeedh yeedhanaya. Dhibaatadaasi oo miidhan bay wadaan wax la aqbali karo maaha. Shirkadaha TELESOM iyo DAHABSHIIL umaddu inta ay ku fadhido ee ay dugsanayso waa taasi. Ragga hadlaya ee xildhibaanada iyo masuuliyiinta dawladdu ku jiraan ee leh lacagihiinaa ba la dhacay ee la baxa, waxaan leeyahay ma iyaga ayaa wada fawdada mise shirkadahaasi la eedaynayo ayaa wada”.
Dhinaca kale waxa isaguna hadlkaasi ka hadlay Boqorka Beelaha Ayuub Sheekh Isaxaaq oo yidhi: “Maanta annaga iyo boqorrada kaleba waxa aannu halkan u fadhinaa in aannu ka hadalno in shirkadaha waddanku yihiin indhaha waddanka. DAHABSHIIL iyo TELESOM iyo shirkadahan la yidhi 24 saacadood halagu joojiyo waxaannu leenahay waxaasi wax la aqbali karo ma aha. Waxaannu leenahay shirkaduu wakhti ay kaga bogtaan hawshooda hala siiyo. Waan ka xunahay in sidaa loola dhaqmo shirkadaha waddanka oo la og yahay doorka ay ku leeyihiin horumarka umadda iyo dhaqaalaha waddanka” ayuu yidhi Boqorka Beelaha Ayuub.
Odayaashan iyo madax-dhaqameedkan iyo xildhibaanadan ayaa ka sinnaa si isku mid ahna u dhaliilay siyaasadda xukuumaddu ku xayirayso ZAAD iyo e-DAHAB oo ay ku tilmaameen adeegyo umaddu u ayday oo aan mudnayn in sidaasi loo waxyeeleeyo kuna baaqay in shirkadaha waddaniga ah la kobciyo ee aan la ciqaabin.

Comments

comments

SHARE