Somaliland: Lacagta Doollarka Oo Nuurigeeda Hargeysa Laga La’yahay, Suuqyo Madow Oo Dollarka Lagu Kala Iibsanayo Oo Furmay Iyo Goobihii Ay Sarrilayaashu Fadhiisanayeen Oo Haawanaya Kadib Cabsi La Soo Daristay

Tan iyo Amarkii ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ee Sixirka loogu jaray qiimaha Boqolka Dollar in Suuqyada Hargeysa loogu kala iibsado,ayaa waxa gabi ahaanba istaag galay dhaq dhaqaaqa suuqii xorta ahaa ee lacagaha lagu kala sarifanayay,Waxa gabi ahaanba nuurigiisa la waayay meel lagu iibinayo Lacagta doolarka ah,Waxaana la soo sheegayaa inay durba samaysmeen Suuqyo la yidhaa “Suuqyada madow” oo si dhuumaalaysi ah oo Qarsoon lacagaha Qalaad ee Dollarka loogu kala iibsanayso.
Inkasta oo ay Xukuumaddu Culays badan saartay Ganacsatada ka manaafacaadsada Isku badelka ama sarifka Lacagaha si uu u fulo Amarkii Madaxtooyadda ka soo baxay ee lagula dagaalamayay Dollar bararka Dalka ka aloosan,ayaa haddana waxa la soo sheegayaa in suuqyada Hargeysa iyo Goobaha Sarifka lacagaha qalaad ee dollarka laga laayahay Boqol doolar oo iib ah,iyadoo hore loogu heli jiray cadadkasta oo looga baahdo Dollarka,halka dadka Shacabka ah uun lagaga gadanayo Boqolka Dollarka Sixirkii ay Xukuumaddu u goysay Boqolka Dollar in lagu kala iibsado,waxaana gabi ahaanba Suuqyada Hargeysa laga dareemayaa xaalad ka duwan xaaladihii hore ee sida xorta ah wax loogu kala iibsan jiray.
Xaruntii Sarifka Magaaladda Hargeysa ee ganacsatada Sarifku fadhiisanayeen ee saacad walba camirnaan jirtay ayaa gabi ahaanba saddexdii maalmood ee u dambeeyay Haawanaysa ,waxaana la soo sheegayaa inay durba samaysmeen Suuqyo luuq ku yaala oo qaab qarsoodi ah ay Ganacsatadu ugu kala gadanayso lacagta qalaad ee Dollarka oo la yidhaahdo (Suuqyada Madaw),taasi lanoo sheegay inay saacadihii u dambeeyay Suuqyada madaw ee Magaaladda Hargeysa Cadadka Boqolka Dollar lagu kala siistay lacag gaadhaysa Sideed boqol oo lacagta Somaliland shilin ah,taasi oo waxyar uun ka hoosaysa intii uu markii hore taagnaa ee saska iyo qaylo dhaanta ku riday Shacabka Somaliland ee ay Xukuuumaddu awaamiirta Culus ka soo saartay.Mid ka mid ah Ganacsatada Yar yar ee Magaaladda Hargeysa oo Wargeyska Foore wax ka waydiiyay Xaalada Sarifka Suuqa ayaa waxa uu yidhi ““Haddii Aad Boqol Dollar U Baahato Magaaladda Hargeysa Kama Helaysid,Balse Haddii aad adigu iibinayso (Qofka Shacabka Ah) Waxaa lagaaga Gadanayaan Todobada Boqol Oo Kun Oo Somaliland Shillin ah,Sariflayaashii wali may soo saarin Lacagtii dollarka ahayd,Qof waliba waa uu la jaakirayaa Dolllarka,maadaama oo uu qiime sare ku taagan yahay ”.
Dhinaca Kale,Qiimaha Maciishada ama Quutal daruuriga ah oo lacagta dollarka lagu kala gato ayaan halkoodii hoos uga soo dhaadhicin Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland,halka Raashinka Qaar sida Bariiska oo kale qiimahii hore ee Dollarka ahaa ee lagu kala gadanayay kor looga sii dalacsiiyay oo wax lagu saayidiyay,Waxaanay dadka Shacabka ahi la amakaagsan yihiin sababta aanay Ganacsatada raashinka dalka soo galisaa ula soconin isbadelada ku yimaada wax kala iibsiga dalka oo haddii uu dollarku dib uga soo noqdo halkii uu ka qaaliyoobay ama uu soo jabay aanay iyaguna jabinin Maciishada ama sixirka ay alaabada ku iibinayaan ee ay iyagu halkoodaa uun ku ekadaan,taasina ay hagar daamo kale ku tahay Dadka Shacabka,islamarkaana Loo baahan yahay inay Xukuumaddu awaamiirta ay soo rogayso ku darsato oo ay la socoto dhaq dhaqaaqa Suuqyada kala iibsiga Maciishada dalka ama Quutal Daruuriga oo ah meelaha ugu culus ee shacabku unugal yihiin,una baahan in laga kabo oo laga cadaadiyo,hoosna looga dhig

Comments

comments

SHARE