Somaliland: “Adeer Yaan Qof Loo Dilin Danta guud Oo Hebel Baa Maayar Ah Iyo Hebel Baa Ku Xigeen Ah Aan La Odhane, Waa Inaynu Ka Hadalnaa, Haddii Kale….”

112

Feysal Cali Waraabe oo Kabaha La Dul Maray Golayaasha Deegaanka Ee Dalka Ka Jira, Si Gaar Ahna U Dhaliilay Dawladda Hoose ee Hargeysa

“Kelyahaa Maanta Na Xannuunaya Waddo Xumo Oo Baabuurka Waxaad Is Odhanaysaa Ma Iska Dhigtaa, Idinkuna Waxaad Ka Baqaysaan Shan Iyo Labaatanka Inan Ee Yaryar Ee Waa Inaynu Ka Dhiidhinaa!!!!”

+++++++

“Anigu Waan Diidanaa Maalintii La Lahaa Hala Doorto Inan Yar Oo Aan Guri Lahayn Oo Hadda Dhadhan Ku Haya Qaadka….Maanta Kelyahaa Na Xanuunaya Waddo Xumo Darteed, Idinkuna Waad Ka Baqaysaan Ee Waa Inaynu Ka Dhiidhino…..Bal Ka Warrama Kuwaas Oo Kow Iyo Toban Bilood Sii Jooga, Iga Walle Meel Aynu Marnay Inaynu Waayi”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ahna musharraxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si ba’an u weeraray nidaamka shaqo ee goleyaasha deegaanka ee dalka, gaar ahaana kuwa caasimadda Hargeysa oo uu ku eedeeyey in ay xilkasnimadii laga filayay markii la doortay lagu hungoobay isla markaana ay ku sifoobeen  boob iyo dhac. Guddoomiyaha UCID waxaa uu sheegay in Faysal Ahaan markii la furayay xeerka doorashada ee dhalinyarada lagaga qeyb galinayay talada dalka uu isagu ka soo horjeeday, hase yeeshee laga batay oo aqlabiyadu ogolaatay, xilligaas oo wixii uu ka digayay aanay muuqan balse hadda ay shacbigu qoomamo ka muujinayaan doorashadoodii.  Feysal Cali Waraabe waxaa uu soo jeediyey in laga dhiidhiyo oo aan laga aamusin jallaafooyin iyo dhaqaalle burburin uu ku eedeeyey xildhibaannadii golaha deegaanka, kuwaas oo uu sheegay in dhaqaallaha cashuurta ee loo gacan geliyey aan bulshada waxba lagaga soo celin “Waa inaynu ka dhiidhinaa dawladaheennii hoose ee baaba’ay, idinku waxaad ka baqaysaan shan iyo labaatan inan oo yaryar [xildhibaannada golaha deegaanka Hargeysa] ayaa meesha jooga oo haddii lacagta maanta soo gashaa ay Maxamed Xaashi Cilmi soo geli lahayd wallaahi wuxuu  innoogu dhisi lahaa Biriishyo, wuxuu innoogu dhisi lahaa waddooyinka wareegsan, maantana kelyahaa na xanuunaya [waddo xumo darteed] oo  baabuurka waxaad is odhanaysaa ma iska dhigtaa. Arrintaa waa inaynu ka tashanaa”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha UCID oo dhaliillo culus dusha u saaray waxsoo saarka iyo masuuliyadda golayaasha deegaanka ee dalka gaar ahaanna kuwa caasimadda Hargeysa oo uu sheegay in ay fadhiid yihiiin, waxaanu intaa ku daray “ Islaantii caanaha iibinaysay iyo tii hilibka qaadaysay mid waliba bacad bay fadhidaa oo musqul ma leh, iyaguna [golaha deegaanku] ka xishoon maayaan oo wax kasta [kharash] oo ka soo gala way qaadanayaan oo way ku qayilayaan, hadda kuwaasi waa hooyooyinkood iyo eddooyinkood , markaasaynu innaguna daawanaynaa, kolkaa dee haddii aynu iska qaban kari weynay shan iyo labaatanka dhalinyarada ah ee meesha jooga [waxba innoo suurto geli maayaan”. “anigu waan diidanaa maalintii aynu sharciga doorashada golayaasha bedelnay ee la lahaa  hala soo doorto inan yar oo labaatan jir ah oo hadda qaadka dhadhan ku haya, oo aan guri lahayn, markaas  lacagtii ummada waynagaa nidhi gurta’e idinkuna wax ka gurta dee, haddii waa inaynu ka tashanaa dee immika”. Ayuu Feysal hadalkiisa ku ladhay. Geesta kale waxaa uu sheegay in muddo xilleedka goleyaasha deegaanka oo waqtigoodu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan ay wada tashigii asxaabtu kaga arrinsadeen muddo kordhinta doorashooyinka  sidoo kale ay iyagana [dawladaha hoose] muddadoodii ugu siyaadiyeen waqti kale “ Annagu [axsaabtu] waxaanu u  kordhinay [dawladaha hoose] iyagana kow iyo toban bilood, ee balk a warrama kuwaas oo kow iyo tobankaas bilood sii jooga, iga walle in meel aynu marnay aynu waayi. Markaa walaaleyaal waxaan leeyahay yaan qof loo dilin danta  guud oo yaan la odhan hebel baa Maayar ah iyo hebel baa ku xigeen ah, adeer waxba taasi tari mayso ee waa inaynu danteena ka hadalnaa. Illaahayna waxaan ka baryaynaa in uu abaarta innaga saaro oo uu madax wanaagsanna inna siiyo”. Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga caddaallada iyo daryeelka ee UCID, ahna musharraxa jagada madaxweynaha ee xisbigaasi oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey xaflad hadhimo ah oo aqoonyahan Cabdicasiis X. Xuseen Cumar Xaashi oo kamid ah dhalinyarada siyaasiyiinta ah eek a soo jeeda deegaanka Hargeysi ugu sameeyey hoggaanka xibsiga UCID, halkaas oo aqoonyahanku kaga dhawaaqay in uu si rasmi ah isaga iyo taageerayaashiisu ugu biireen xisbiga UCID.

Comments

comments