Somaliland: “Madaxweynuhu Wuxuu ku Guulaystay inuu soo afjaro Walaahowgii Siyaasiga ahaa” Xildhibaan Bidhi

125

Xildhibaan Bidhi oo soo dhaweeyay Doorashooyinka la Muddeeyay

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay in madaxweyne Siilanyo uu ku guulaystay inuu waan-waan ku soo afjaro toddobaadyo dalka ay ka taagnayd wax uu ugu yeedhay walaahow siyaasiya.

Xildhibaanku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay warbaahinta oo u qornaa sidan:-
“Waxaan si kalsamaani ku jirto u soo dhaweynayaa heshiiska Komishanka doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ay ka gaadheen dib u muddeynta doorashadda madaxtooyadda oo duruufaha abaarta baahsan ee ka jirta dalku ay dib u dhac ku keentay doorashadan oo lagu waday inay qabsoonto 28-ka bisha March ee innagu soo foolka leh.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxa uu soo afjaray toddobaadyo walaahow siyaasadeed ah oo xisbiyada qaranku ay ku muransanaayeen in wakhti cusub loo cayimo doorashada madaxtooyadda.
Waxa guul ah in madaxweynuhu middeeyay kala qaybsanaantii axsaabta siyaasadda, kuwaasi oo xarunta madaxtooyadda ku kala saxeexday heshiis ah in doorashada madaxtooyaddu qabsoonto 10/10/2017. Waxa kaloo ay iyagana cayimeen wakhtiga ay qabsoomi doonto doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka oo ay is-raaciyeen una una qoondeeyeen inay qabsoonto 10/10/2018-ka.

Dib u dhaca doorashadda madaxtooyadda, waxa sababay abaarta caam yeeshay bulshada ku dhaqan gobollada bariga dalka oo ay ku baro-kaceen dad lagu qiyaasay 1.5 Milyan Qof. Abaartan oo sida aan qabo ILAAHAY mooyaane aan lagaga kaban karin kaalmo bini’aadam marka laga qiyaas qaato tabaalladeeda.
Waxaan ku bogaadinayaa Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran, inay raaceen jidkii isku tanaasulka iyo wada-hadalka ku dhisnaa ee Somaliland ku soo caano-maashay. Waxaanay dalka ka baajiyeen in adduunku farogelin ku soo sameeyo hanaankeena doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeynta.

Waxa kale oo aan Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee uu saxeexay ee lagu xakameynayo sicir-bararka iyo sarrif bararka. Madaxweynuhu waxa uu qaraarkan qorshaha degdega ah ee xakameynta sicir-bararka qaatay markii uu darsay in bulshada Somaliland ay ku habsatay maceeshad iyo sicir barar aan dhammaad lahayn.”

Comments

comments

SHARE