Somaliland: Maareeye Ku-xigeen Cusub oo Loo Magacaabay TV-ga Qaranka

183

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magacaabay Maareeye Ku-xigeenka cusub ee TV-ga Qaranka.Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4506/012017, ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiin kala duwan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax (Caddaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Comments

comments

SHARE