Somaliland: “Faysal Cali Waraabe Waa Qof Nool Oo Dhintay Oo Mayd Soconaya Ah , Lamana Tartami Karo Muuse Iyo Ciro

Muj . Cali Guray ayaa waxaa uu si cadho leh uga jawaabey hadalo shalay galab ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Muddane Cali Guray waxaa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe uu yahay qof nool oo dhintey isla markaana meyd soconaya ah , sidoo kala -na waxuu hoosta ka xariiqey Cali Guray in aanu Faysal La Tartami karim Cabdiraxmaan Ciro Iyo Muuse Biixi .

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga ayuu sidan ku yidhi Muj Cali Guray .

” DOOFAAR ABIDKII MA DAAHIRO

Jaariyadii Gaani aniga maaha cidda uu u hanjabayaaye hubsada. Qof aan dadnimo iyo damiir iyo diin midna dabar u ahayni aniga xagayga qof jira kama ahaa. Wuxu yahayba si fiican baan u bartay. Kuwa wax u haysta ee aan weli ka quusanin baa ka sii liita. Waa doofaar doofaarna abidkii ma daahiro.

Waar hadduu inta ugu yar ee damiir ah leeyahay ma isaga oo laba goor isa soo sharaxay wixii ku dhacayna og ayuu hadana maanta oo intii hore uu ka sii liito oo cid waliba nacday oy iskaga tagtay oo kun goor UF la yidhi ayuu hadana waykan odhan lahaa.? Maya hadii uu damiirkiisu nool yahay. Waa qof nool oo dhintay mayd soconaya ah(walking dead).

Hadda waalidiisa cas wuu ogyahay in aanu la tartami karin Cirro iyo Muuse midna ee cid buu lululanayaa uu uga bartay markay ka go’dana uu ka soo horjeedsado markay loo dhiibana uu amaano oo weliba farta ugu yeedha oo sida ayga uu daba hash leeyo. Akhas af noolina wuu hadlaa ayna wuu ciyaa” ayuu yidhi Muj Cali Guray

Comments

comments