Somaliland: “Beeshaydu Way Gashay KULMIYE, Laakiin Marka Wada-Hadalku Dhammaado ee Aan Aniguna Galo Ayay Ka Daadegi Doontaa…”

120
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hoggaamiyaha Garabka Toosinta Iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed

Guddoomaha garabka toosinta iyo caddaaladda ee xisbbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed,  ayaa ka hadlay halka ay marayaan wada-hadalladii garabkiisu la lahaa xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxana uu tilmaamay inay wada-hadalladaasi weli meel dhexe ku daldaan yihiin.

Guddoomiye Seed oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhawaangnews, ayaa shaaciyey inaan weli la dhammaystirin wada-hadalladii uu KULMIYE kula jirey oo beeshiisu qayb ka ahayd.

Axmed Muumin Seed oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi,“Beeshaydu KULMIYE way gashay, laakiin weli taasi kamay daadegin, waxase ay ka daadegi doontaa marka aan anigu KULMIYE galo ee wada-hadalku dhammaado,waayo siyaasiga beesha hoggaaminaya ee murrashaxa u ahi aniga ayuu ahaa, welina beeshaydu meel dhexe ayey ka laalaaddaa oo ay taagan tahay, go’aanka ugu dambeeya ee aan anigu qaato ayey ku xidhan tahay.”

Wada-hadalladii u dhexeeyey garabka Axmed Muumin Seed hoggaamiyo iyo xisbiga KULMIYE, ayaa dhawaanahan istaagay, waxase horumar ballaadhan laga sameeyey wada-hadalladaas oo marxalado badan soo maray.

Comments

comments