Suldaan Guud ee Saladiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaa uu ka hadley arimaha doorashoyinka Madaxtooyada iyo abaarahan xoogan ee isku soo beegmay

Suldaanku waxaa uu ka digay in mar labaad muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Madaxweyne Siilanyo isla markaana waxaa uu sheegay in aanu jirin wax guramad oo ay xukuumadu u sameysay dadka ay abaaruhu ku dhufteen

” Mar hadii aanay xukuumadu wax gurmad ah oo ay ku jirto oo abaaraha ah aanay ku jirin , doorashada in dib loo dhigo mar marsiyo ayaa ku jirta , wakhti baa loo qabtey wakhtigiina in ay doorashadu dhacdo waan rabaa , waxaana aan ku talinayaa in ay doorashadu wakhtigeedii dhacdo hadii kale balaayo intaas ka weyn ayaa ka iman doonta ” ayuu yidhi suldaanku

 

Sidoo kale suldaan ayaa waxaa uu eedeymo culus u soo jeediyey gudida doorashoyinka Somaliland waxaana uu ku dhaliilay qaabka ay doorashada u wadaan

” Gudida doorshooyinku ilaa sanad wey gaadheysa inta ay cayiman tahay , cid alaale iyo cid ay wax u sheegen ma jirto , hadii aanay maalin qudha barnaamij laga sii deyn TV ga ama idaacada maxaa gudidooda naga galay anaga waa noo gudi la,aan ” ayuu yidhi suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Comments

comments