Somaliland: Xisbiyada Mucaaridka Oo Soo Jeediyey In Lix Bilood Loo Kordhiyo Xukuumadda Iyo Guurtida Oo La Filayo Inay Wax ka Badan Kordhiyaan

189

Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa kulan ay shalay la qaateen komishanka doorashooyinka ayaa la iskula qaatay inay dalka abaaro baahsani ka jiraan isla markaana aanay doorashadu wakhtigeedii ku dhici karin.

Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa komishanka u soo jeediyey in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda hadda jirta muddo lix bilood ah, markaas oo la filayo inuu raxmaanku da’o dadkuna ay ku laabtaan goobihii ay kaadhka codbixinta ka qaateen.

Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa isaguna dhankiisa soo jeediyey in arrimaha doorashooyinka iyo abaarta la isku waafajiyo qaab sharci ah haddii muddo kordhin la samaynayana loo maro hab sharciga waafaqsan.

geesta kale inkasta oo illaa hadda aanay jirin muddo rasmi ah oo la isla qaatay in doorashada dib loo dhigaa, hadana waxaa ay wararku sheegayaan in golaha guurtidu ay dhankooda qorshaynayaan in xukuumadda loo kordhiyo ugu yaraan hal sano, si abaaraha ay dadku uga soo kabtaan.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in hadda saddexda xisbi qaran iyo komishanku fekrad ahaan isku dhaw yihiin,isla markaana dhinac waliba garwaaqsaday inaanay wakhtigan doorasho dalka ka dhici karin.

Comments

comments

SHARE