Somaliland: Xildhibaan Dheeg Oo Sheegay Inaanay Maxkamaddu Wax Faro-galin Ah Ku Lahayn Muddo Kordhinta Iyo Arrimaha Doorashada, Kana Jawaabay Hadalkii Muuse Biixi

301
Xildhibaan Dheeg | Photo by Suleiman Hassan

“In 28-ka March Ay Doorashadu Dhacdo Golaha Guurtida Ayaa Soo Jeediyey, Maxkmaduna Way Ansixisay Markaa Madaxwaynuhuna Maxkamad Ma Saarna, Muuse-na Ma Saarna…” Xildhibaan Maxamuud Maxamed Dheeg-Waraysi Gaar Ah

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah golaha guurtida ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay guddoomiye Muuse Biixi kaasoo sheegay in isaga iyo Madaxwaynahu ku xukuman yihiin inay doorashada wakhtigeeda ku qabtaan.

 

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Madaxwaynaha maxkamad la soo taagi doono hadii uu doorashada wakhtigeeda ku qaban waayo, waxaana uu sidoo kale xusay inay maxkamadi go’aamisay in doorashada Madaxtooyada la qabto 28-ka bisha March ee sanadkan 2017-ka.

Hase yeeshee Xildhibaan Dheeg oo wakhti xaadirkan xubin ka ah golaha abwaanka Somaliland ee maalmihii u dambeeyey dhex-dhexaadinayay saddexda xisbi qaran ayaa sheegay inaanay maxkamaddu wax faro-galin ah ku lahayn qabsoomidda doorashada, sidoo kalena waxa uu beeniyey in maxkamaddu go’aamisay in 28-ka bisha saddexaad ay doorashadu qabsoonto, balse taas bedelkeeda waxa uu sheegay inay maxkamaddu asnixisay soo jeedintii komishanka iyo guurtida, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday in golaha guurtidu lahaayeen cayimaadda maalinta doorashada maxkamaduna ay kaliya ansixinta lahayd.

Xildhibaan Dheeg oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Soo jeedinta Muddo kordhintii hore Komishanka ayaa lahaa, markaa wakhtiga iyo maalinta doorashadu qabsoomayso golaha guurtida oo aan ka mid ahay ayaa cayimay, in bisha March doorashadu qabsoonto guurtida ayaa soo jeedisay maxkamaduna way eegtay kadibna way ansixisay, markaa ma jirto wax faro-galin ah oo ay maxkamaddu ku lahayd qabsoomidda doorashada, maxkamaddu hal mar ayay soo gali kartaa arrimaha doorashada waana marka ay komishanku si hordhac ah natiijada ugu dhawaaqaan haddii uu muran ka yimaado, mar kale maba soo gali karto maxkamadda sare arrimaha doorashada”.

Xildhibaan Dheeg oo khadka telefoonka ugu waramayay Wargayska Somalilandtoday ayaa waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Kelmadaas uu Muuse Biixi ku cel-celiyey sidaas ayay u taalla, markaa dadka yaanu marin habaabin, isaguna maxkamad ma saarna, Madaxwaynuhuna ma saarna, Maxkamaduna wax shaqo ah kuma laha arrimaha socda” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Comments

comments

SHARE