Somaliland: UCID Iyo WADDANI Oo Suul Iyo Saxeex Saaray Muddo-kordhin Cusub Iyo KULMIYE Oo Sharciyadda Cuskaday U

156

UCID iyo WADDANI Oo Lix Bilood Oo Muddo-kordhin ah Saxeexay Iyo KULMIYE Oo ku Adkaystay In Xalkasta Oo La Gaadhayo Sharciyadda Loo Maro

Labada xisbi-mucaarid ee UCID iyo WADDANI, ayaa caddeeyey inay codsanayaan muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigeedii rasmiga ahaa uu ku egyahay 28/03/2017-ka, halka xisbiga KULMIYE soo jeediyey in la raadiyo dariiqii lagaga bixi lahaa go’aankii maxkamadda sare doorashada wakhtigeeda ku muddaysay.

Kulan komishanka doorashooyinku saddexda xisbi kaga codsadeen inay mawqifkooda  la xidhiidha sidii dhibaatada abaarta iyo doorashada shinkeedu galay la isku waafajin lahaa kusoo gudbiyaan, ayey maalintii shalay saddexda guddoomiye gudbiyeen aragtiyaha ay arrintaas ka qabaan, waxana Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi uu saxeexay in la raadiyo jid sharci oo arrinta lagu xalliyo, halka ay labada guddoomiye ee xisbiyada UCID iyo WADDANI qalinka ku duugeen qodob sheegaya in xukuumadda loo sameeyo korodhsiimo muddo lix bilood ku siman ah.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sharraxay qoddobada ay isla fahmeen saddexda hoggaamiye iyo kuwa ay ku kala  aragti duwan yihiin ee ay u gudbiyeen komishanka qaranka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saddex qodob baanu ugeynay, marka koowaadna waxa aanu isku raacsanahay saddexdayada xisbiba inay dalka ka jirto abaar baahsani oo ay saamayn weyn ku leedahay wakhtigii doorashada loo qabtay oo ah 28,/3/2017-ka oo abaarta hawsheeda iyo hawsha doorashadu iska hor imanayaan.”

Guddoomiyuhu waxa uu shaaca ka qaaday inay sidoo kale komishanka u gudbiyeen aragtiyaha ay saddexda guddoomiye ka aaminsan yihiin in lagu xalliyo dhibka taagan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay labada xisbi mucaarid si cad u saxeexeen in xukuumadda muddo lix bilood ah loo kordhiyo, halka uu KULMIYE soo jeediyey in sharciga laga shaqaysiiyo oo sifo shuruucda waafaqsan arrintaas loo furdaamiyo, “labada xisbi ee mucaaridka ah ee iyo KULMIYE laba ra’yi bay kala jeediyeen, KULMIYE-na waxa uu jeediyey in arrintaas xalkeeda iyo furdaaminteeda loo raaco hab sharci ah, labada xisbi ee mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID waxa ay  soo jeediyeen in lix bilood dib loo dhigo, intaas oo qoraal ah baanu komishanka u geynay oo saddexdayaduba aanu saxeexnay” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments