Somaliland: ” Haddii Ilaahay Xoollo Ku Siinayo Dadkii Kaala Shaqayn Lahaa Ayuu Ku Siiyaa, Sidaas waxa Ka Dhigan…..” Maayarka Magaalada Burco

289

Maayarka Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad Ayaa ka hadlay Xaalada Abaareed ee Maanta ka Taagan Magaalada Burco iyo Xarunta Gobolka Togdheer Kadib waraysi Dheer oo uu Siiyay Telefishanka Waaberi Waxaana uu Tilmaamay Inay Dadku Xiligan u Dhimanayaan Haraad iyo biyo La’aan Isagoo Isdul Taagay inay Ka Maamul ahaan u Xadhko Xidheen Gurmad Balaadhan oo loo gaysanayo Dadkaasi waxaana uu yidhi Maayarku “Horta Af iyo Adinba Waanu ku Darsanay oo Anagaaba Hindisaha Lahayn,Waayo Anagaa kusoo jeedinay Xukuumada,Umada Somaliland iyo Gudida Abaaraha Welibana Ka Maayar Ahaan Anigaa Fikradaasi Iska Lahaa in dadka loo Gurmado Waxaas isku xidhxidhan ee dawlad leh Gudi Abaareed leh ee shicib leh Waxay ahayd Maskaxdii aan Anigu Keenay in sidan loo Dhigo,Waxaanu kaloo ka Shaqaynaa Dee anagu dadka waanu Caawinay oo mar baanu Raashin u Geynay,Biyahana Booyado Ayaanu Leenahay oo Maalin kasta Waanu Dhaaminaa,Saakoo u danbaysay Waa Maqan Yihiin Laba Booyadood Baanu Lahayn,Mid ayaa Naga jabtay oo Halkan Taala Balse maalin kasta waanu Dhaaminaa,Hada waxaanu Hargaysa ka dalbanay Booyad weyn oo qaadaysa 25 Foosto,taasi oo aanu ugu talogalnay inaanu Kaga qayb qaadano Gurmadka waayo Iminka Biyaha ayaaba ugu Daran,Dadkuna Iminka Biyo La’aan ayay u dhimanayaan Waxaana Biyo aan haysan Gebi ahaanba 128 Tuulo oo Hoos taga Gobolka togdheer” Ayuu Yidhi.

Maayarka ayaa Sidoo kale waxaa uu Hadlay Horumarka kasocda Gobolka gaar ahaana Magaalada Burco iyo wixii uu qabtay intii uu hayay Xilkan Dawlada Hoose Waxaana uu Farta ku Fiiqay waxyaabaha ay Ku kala Duwan yihiin Golihii Deegaanka ee Iyaga Ka horeeyey iyo Kan Maanta uu Majaraha u Hayo Maayar Muraad isagoo ku dheeraaday Waxyaabaha u Qabsoomay Waxaana uu Yidhi.

“Horta Ilaahay amarkiisa ayaa Wax kasta Sababa Balse Dawladan Axmed Siilaanyo Waa Dawlad aan odhan karno Waa Dawladii Horumarka,Waayo 28kaas sano ee ay Somaliland Jirtay waxaa la odhan karaa waa dawladii Horumarka,Marka laga yimaado Amarka Rabina waxaan Filayaa laba shay oo is waafaqay ayaa sabab u ahaa Ka koowaad Horta awrba awrka horeeya ayuu Socodkiisa leeyahay,Markaa Dee Maanta Hogaanka waxaa Haya Siilaanyo  oo ilaahay u Saqiray Horumarka,Midi waa Taas oo Himilada Madaxweynaha Qaranka Ayaa la Daba Socdaa,Ta labaadna waxaa weeyaan Golaha Deegaanka Burco iyo dedaalka ay Ugu Jiraan Horumarinta

Deegaankooda iyo Dedaalka aan ka Maayar Ahaan ku Hogaaminayo Waxaana aan meesha Ka maqnayn Shacabka degmada Burco oo Horumarka Magaalada aad noogala Shaqeeya Hadiiba ay tahay Shirkadaha gaarka loo leeyahay waayo inta Magaalada Burco ka qabsoontay 26kii sano ee Somaliland Jirtay iyo Afartii Sano ee Aanu Xilka Haynay Waa kala gedisan yihiin Waxaana Badan Waxqabadka Aan ka qabanay Intaanu Joognay,Waxaana aan leeyahay Afartaas Hal oo is Waafaqay ayaa sabab u Ah Horumarka manta ay Burco ku Talaabsatay Soomaaliduna Waxaa ay Ku Maahmaahdaa HADII ILAAHAY GEEL KU SIIYO DADKIISANA WUU KU SIIYAA.Waxaan uga socdaa hadii Rabi Xoolo kuu Qoray Dadkii kaala Shaqayn Lahaa,ee kuu Celin Lahaa ayuu ku siiyaa,Markaa hadii Burco Horumartay dadkeedii Baa Alle Siiyay Haday tahay Madaxweyne,Gole Deegaan,Maayarhaday shacabka iyo Iskaashatooyinka Noqoto “Ayuu Yidhi. Ugu danbayn Waxaa uu Maayarka degmada Burco waxaa uu ka hadlay oo wax laga Waydiiyay sida uu u Arko Doorashada iyo Xaalada Dalka ka Taagan ee Abaaraha Waxaana uu Yidhi.

“Abaarina waa jirtaa Doorashada Waqtigeediina Rag waxbuu iska Yidhi,oo Xili ayaa lagu balamay inay Qabsoonto DoorashaduWelina Korodhsiimo iyo Bedel Toona ma aynaan MAqal ,Arinkaasina Rag ayuu u Yaalaa,Waayo Ilaahay Damaanada Rag ayuu Saaray balse Inagu Ta aynu ka Hadlaynaa Waxaa weeye Rayi iyo Hebeloow Sidee ayay kula Tahay,Laakiin Masuuliyadu Cid Ayay Saaran Tahay”

Comments

comments

SHARE