Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Xubnaha Guddida Fulinta Gobolka Sanaag

92

Guddoomiyaha ahna Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddida fulinta gobolka Sanaag ee Xisbiga Kumiye.

Qoraalka magacaabista xubnahan oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, ayaa waxa ku saxeexnaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxaana lagu socodsiiyey guud ahaan xubnaha uu magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 17xubnood, halka uu ogeysiina uu siiyey Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.

Qoraalka magacaabista oo dhameystiran ayaa waxa uu dhignaa sidan:-

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE  ee Gobolka Sanaag

 

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay January 17th, 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.

 

  1. Yuusuf Xasan Faarax – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  2. Cabdinaasir Axmed Xaaji Aaadan Afqalooc – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-Xigeenka Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  3. Cabdiqaadir Warsame Maxamed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  4. Xamse Maxamuud Xidig – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  5. Xaawa Maxamuud Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  6. Xayaad Cumar Yuusuf – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  7. Caasha Saalax Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  8. Shucayb Maxamuud Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Ssanaag ee xisbiga KULMIYE.
  9. Yaasiin Cabdi Cismaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag.
  10. Cadnaan Madar Ducaale – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  11. Milgo Ismaaciil Ibraahim – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  12. Axmed Maxamed Saalax – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgalyada Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  13. Maxamed Cabdillaahi Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  14. Maxamed Ismaaciil Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  15. Xaliimo Ismaaciil Cabaase – In maanta laga bilaabo ay ahaato Ku-xigeenka Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.
  16. Aadan Sahal Ducaale – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag.
  17. Aadan Cali Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Sanaag ee xisbiga KULMIYE.

 

Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

Comments

comments

SHARE