Somaliland: Afar Qof Oo Xanuunka Shuban-biyoodka Ugu Geeriyooday Deegaannada Gobolka HAWD, Tirada Qoysaska Abaartu Saamaysay & Wararkii U Dambeeyay

“Abaarta haysa Gobollada bariga mid la mid ah ayuun baa haysa Gobolka Hawd…” Badhasaabka Gobolka Hawd

Xanuunka Shuban-biyoodka, ayaa Faro-baas ku haya Dadka ku dhaqan Deegaannada Gobolka Hawd ee Somaliland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin boqollaal Qoys oo Abaaruhu ka soo Baro-kiciyeen Gobollada bariga Somaliland.

Xanuunka Shuban-biyoodka oo soo ritay Carruur iyo Dad Waayeel ah, ayaa illaa hadda waxa u Geeriyooday Afar Qof, halka ay u jiifaan Dad kale oo tiro ahaan Badan, kuwaasi oo qaarkood lagu daweynayo MCH-ka Degmada Balli-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.
Maamulaha MCH-ka Magaalada Balli-gubadle Xuseen Xasan Cali oo Shalay War-bixin la xidhiidha Dadka Abaaruhu soo baro-kiciyeen ee halkaasi ku dhaqan siinayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hoggaaminayey Xubno Guddida Abaaraha ka mid ah, ayaa sheegay in Xanuunka Shuban-biyoodku uu Afar Qof oo Carruur ah ku dilay Deegaannada Gobolka Hawd ee uu ka dillaacay.
Maamulaha MCH-ka Degmada Balli-gubadle oo ka hadlaya Dadka Xanuunka Shuban-biyoodka u dhintay, ayaa yidhi sheegay, “Xanuunka Shuban-biyoodku wuxuu ka jiraa Deegaannada kala ah Kaabadda-bari, Gumburaha, Gumar iyo Bidhiiqa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ki daray, “Illaa hadda dhimashadu waa Afar Qof, Xaaladduna way ka soo dareysaa.”
Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka Hawd, oo isaguna War-bixin siiyey Weftiga ka socday Guddida Qaran ee Abaaraha, ayaa yidhi, “Markaanu soo tira-koobnay dadka Abaartu saamaysay waxaanu ku qiyaasnay 14,395 Qoys.”
Dadka Abaartu saamaysay ee ku dhaqan Gobolka Hawd, ayaa isagu jira kuwa ka soo baro-kacay Gobollada bariga iyo Dadkii hore halkaasi ugu noolaa.
Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan oo isaguna Weftiga Guddida Abaaraha uga warramay Xaaladda Abaarta, ayaa yidhi, “Abaarta haysa Gobollada bariga mid la mid ah ayuun baa haysa Gobolka Hawd.”

Comments

comments

SHARE