Somaliland: Wasiirradii Xukuumadda Ee Khaliijka Illaa Yurub U Tagay Gurmadka Abaaruhu Maxay Soo Kordhiyeen ?

Waxa Shalay Dalka dib ugu soo laabtay Wefti Wasiirro ah oo bishi hore Xukuumadda Somaliland u dirtay Dalalka Imaaraadka, Qadar, Baxreyn iyo Ingiriiska, si suuq ugu raadiyaan Xoolaha Somaliland ee Dawladda Sucuudigu Sabab la’aanta u joojisay badhtamaha Bishii 12-aad ee Sannadkii hore.

Weftigan oo uu Hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Aadan Qabo, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, Arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-keyse) iyo Madaxtooyada Axmed Xaashi, ayaa markii ka soo degeen Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa waxay ka warrameen waxyaabaha uga soo qabsoomay Safarkoodii dheeraa ee Khaliijka Carabta illlaa Yurub.

Wasiirka Qorsheynta Maxamed Ibraahim Qabo oo ugu horeyn Saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, “Safarkayagu wuxuu lahaa laba Weji, Wejiga koowaad wuxuu ahaa inaanu Dadkeena Dibadda ku war-gelinno Abaaraha baahsan ee Gobollada bariga ka jira, si ay Walaalahooda ula qayb-sadaan (Dhibaatada Abaarta), Arrintaas intii aanu Dal mareynay Dadkeennii joogay ee aanu la kulanay si wanaagsan bay noogu dhacdo (Oo aanu ugaga warranay Abaarta), Dadka qaarkood markiiba jawaabbay soo bixiyeen.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Wejiga kale ee Safarkayagu wuxuu ahaa inaanu suuq u raadino Xoolaheena, taa lafteeduna meel fiican bay noo maraysaa hadday tahay Imaaraadka, hadday tahay Qadar iyo hadday tahay Baxreyn oo si wanaagsan baanu uga shaqeynay. Waxaanu iyadana la kulanay  Hay’adaha Gargaarka ee Qadar Charity, Cafiifa Charity waxayna soo bixiyeen jawaab sax ah, oo qaarkood wayba yimaaddeen halkan (Dalka) qaarkoodna way innagu soo maqan yihiin.”

Wasiirka Qorsheynta oo la waydiiyey waxa la taaban karo ee ay Dadka Abaaruhu hayaan uga sidaan Dalalkii dibadda ee ay safarka dheer ku soo mareen, ayaa ku jawaabay, “Jawaabtii ugu horeysay waxa bixiyey Bulshada Somaliland ee Dalka Qadar ku dhaqan waxayna soo bixiyeen Lacag ku dhow Afartan kun oo Doollar, Baxrayn oo ay ku nool yihiin Dad yar (oo reer Somaliland ahi) isla markiiba jawaabbay soo bixiyeen, Bulshada Somaliland ee ku dhaqan London oo aanu kala qayb-galnay Xaflad Abaaraha (Qaadhaan loogu ururinayey) isla-markiiba Jawaabbay bixiyeen (oo waxbay soo bixiyeen)..” ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE