Somaliland: Natiijada Kulan Hoggaamiyayaasha Axsaabta Iyo Abwaanadu Ka Yeesheen Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

Abwaanada Qaranka Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi Qaran, kulankaasi oo oo lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha xaaladda siyaasadda dalka, gaar ahaana Abaaraha dalka ka jira iyo qabsoomida Doorashada Madaxtooyada oo waqtigii hore loogu cayimay uu wax yari ka hadhay, iyo waliba wacyigalin la xidhiidha hadalada xanafta leh ee ka soo yeedha xisbiyada.

Kulankan oo lagu qabtay habeen hore xarunta dhaqanka ee Red sea Culture Foundation ee magaalada Hargeysa ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay ujeedada iyo nuxurkii kulankaasi saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada Kulmiye, Waddani, UCID.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse biixi cabdi

“Waxaanu la kulanay Ergo Abwaano ah oo ka ergaynaya arrimo siyaasadeed iyo kuwa dalka, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in Abwaanada Qaranku inay hawlaha Qaranka ee jira soo faro galiyaan, oo waliba iyaga aad ayaanu ugu dhego nugulnahay oo waa niman uu ILAAHAY hibo u siiyey inay mar walba ka taliyaan oo dadka u tilmaamaan waxa wanaagsan oo awood u leh, markaa ergadooda iyo hadalkoodaba waanu u dhego nuglayn oo aanu u xiisaynaynay, markaa Abwaanadu waxay noogu yeedheen arrin ina hor taala oo ah dhibaatada ay Abaaruhu inagu hayaan ILAAHAY waxaanu ka baryaynaa inuu abaarta inaga dul qaado oo raxmaad kheyr qaba ina siiyo, markaa Abwaanadu waxay ka hadleen Abaarina way jirtaa, doorashooyina way soo socdaan waqtigoodu dhawyahay ee maxaa la yeelayaa iyo mid kale oo waano ah oo ah Nimanyahaw waxaad warbaahinta ka sii deysaan ku noqda, sidaa awgeed waanu ka qaadanay, Qodobka kale ee ah maxaa laga yeelayaa Abaarta iyo Doorashada, waxaanu ku nidhi intaa aad ka fikiraysaan annaguna waanu ka fikiraynaa, waana arrin taala oo sharciyo ayeynu leenahay iyo meelo loo maro iyo si loo xaliyo, waxaananu dhamaantayo isla qaadanay oo ay Abwaanadu noo soo jeediyeen, xisbiyaduna hore u qaateen uguna jireen oo nin kasta oo caqli lihina ka damqanayaa maanta mudnaanta iyo hawsha koowaad ee qaranka u taalaa waa Gurmadka iyo Taakuleynta dadka ay abaaruhu haystaan, arrin kale oo dhamina xaga danbe ayey maraysaa oo shirkii horreba sidaa ayaanu heshiis ku ahayn, xisbiyada mid waliba tamartiisa waa gurmanayey, waayo odoyaasha dalka ayaanu nahay, markaa ninka odeyga ahna isaga ayey saaran tahay culeyska Abaartu, taa waa ka mideysanahay haddii aanu Xisbiyada nahay iyo hoggaamiyeyaashooda oo isku xaman mayno oo isku tuur tuuri mayno, waana gurmadkii loo mideysnaan lahaa Abaaruhu, taana halkaasaanu ku heshiinay, Abwaanadu haddii ay na xusuusiyeena waanu idinka qaadaney, doorashadii maxaa laga yeelayaana, dee talo ayeynu isku geynaynaa oo waxaan ku ururinaynaa Komishanka, waayo? Sharcigu iyaga ayuu siiyey markay xaaladahan oo kale yimaadaan inay doorashada ka go’aan gaadhaan, Xisbiyadu soo jeedin ayey leeyihiin iyo ciddii kale ee hadashaaba, waxaana waajib ah inay u hoggaansato wixii Komishanku soo saaro, sidaa ayaanu ku heshiinay, malaha iyagu (Mucaaridku) way is raaci doonaan oo mar kasta isha ayey nagu hayaan oo waxay is leeyihiin malaha qoladan Xukuumaddu mar kasta way korodhsadaan, waanay ku mahadsanyihiin, annaguna waxaanu maqbuula u nahay wixii ka soo baxa Komishanka, oo horrena waanu u ogolayn oo arrinta horraa loo faro galiyey oo maxkamado waa jireen farsamo sharci oo wax lagu saaraana waa jireen, markaa arrinta waxa lagu ururin doonaa Komishanka, waar maxaynu yeelnaa Abaar ayaa ina haysee, wixii ka soo baxana waa loo wada hoggaansami doonaa.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

“Abwaanadu, waxay nagala hadleen laba qodob oo kala ah in ololaha in si asluubeysan oo aan ceeb iyo xajiin lahayn loo galo, saddexda xisbina way la qaateen Abwaanada, Qodobka labaad, saddexda Xisbi iyo Qarankuba iskuma khilaafsanin in mudnaanta koowaad ay leedahay gurmadka, badbaadada iyo samato bixinta shacbiga reer Somaliland ee Abaaruhu dhibaatada weyn soo gaadhsiiyeen oo ay ka horreyso arrin kasta oo ina hor yaala doorasho iyo arrin kaleba, Axsaabtu waxay isku khilaafsan yihiin maaha wax mabda ah oo doorashada in la qabto waanu isku waafaqsanahay, laakiin arrin farsamo oo ah Abaarta iyo Doorashada maxaa laga yeelayaa, iyagoo Axsaabta Mucaaridka ahi hore u cadeeyeen oo aanu haddana ku celinayno Mawqifkayaga oo ah in aan doorashada waqtigii aynu ugu talo galnay aanay inoogu qabsoomayn, durruufaha hadda jira, annaga oo ixtiraamayna rayiga Axsaabta, haddii ILAAHAY yidhaahdo rayigayaga Axsaabta Mucaaridka ah waxaanu u gudbin doonaa isla maanta Komishanka, balse ka hor dhici maayo”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe

“Abwaaniintii ayaa soo baxday aniga oo aan is lahayn waxa jira dad Somaliland ka damqanaya, Insha Allaahu iyaga ayey ku badeli doonaa Guurtida, Abwaanadu waxay keeneen laba arrimood oo kala ah mid khuseynaysa labada xisbi (Kulmiye & Waddani) ololahooda foosha xummaa, ee qabiileysnaa ee reeraysnaa iyo cuqaashoodii iyo hablihii yar yaraa ee caytamayey iyo Subeeriyadii iyo Garxajisyadii joojiya baa la yidhi, waanay naga balan qaadeen, waanay ku mahadsan yihiin. Qodobka labaadna waxa uu ahaa Abaaraha, waxaana laysla qaatay in aanay doorashadu waqtigeedii dhacayn, waxba haka meeraysanine, waxaana la isla ogaaday dawladu dhawr jeer bay korodhsatay oo way baqaysaa oo aanay odhan karayn oo ay maxkamadna saaran tahay, annaga ayaa xilkii qaadayna haddii aanu nahay labada Xisbi ee mucaaridka ah, annaga ayaa ILAAHAY mooyee Maxkamad iyo Beesha Caalamka midna ka baqayn, oo ka naxaya dadkayaga aanu codka ka doonayno ee aanu doonayno in aanu barwaaqo gaadhsiino ayaanu mudnaanta siinaynaa, haddii ALLE yidhaa.”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay Beesha Caalamka “Beesha Caalamku gacan ayey nagu leeyihiin, laakiinse nama xukumaan oo annagu Xamar ma nihin, Xamar bay yidhaahdaan 30% dumar ka dhiga’e, Inaga ayaa dalkeena samaysaney oo cidna marti ugama nihin oo uga habran mayno, sidaa awgeed labadayada Xisbi annaga ayaa u tageyna oo si cad ugu sheegayna komishanka oo odhanaya doorashadii kuma dhacayso waqtigeedii ee xilligaasi ayaanu isla garanaye jadwalkiina kaa ku sameeya, haddii ALLE yidhaa kaasi ayey Muuse Biixi, Madaxweynaha iyo Guurtideenii fiicneyd naga aqbali doonaan, waxaynu mudnaanta siin doonaa Abaarta maadaama oo ay bilaabantay dhimashadii dadku markaa waxa weeyi inaynu samayno xeryo dadka lagu quudiyo, ileyn dadka xoolihii way ka dhamaadeene oo waxaynu xooga saari doonaa badbaadada dadkeena oo aynu dunidana u qaylo dhaan diran doonaa, walaalayaal gaaladu waxay wataan dimuqraadiyadoodii oo ay doonayaan inay meel marto, balse innagu waxaynu wadanaa danta dadkeena oo ma horreysiinayno dimuqraadiyadooda’e waxaanu horreysiinaynaa danta dadkeena.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Comments

comments