Somaliland: Madaxweyne Siilanyo Oo Saaka Safar Kadis Ah Kaga Soo Baxay Madaxtooyada Kana Dhex Hilaacay Goobo Aan Laga Filaneen Iyo Waxyaabaha Uu La Kulmey

Somaliland: President Silanyo's Delegation arrive in Eastern Regions
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Gobolka Saraar

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu safar kadis ah kaga soo baxay madaxtooyada Somaliland isaga oo aaney la soconin ciidaan ilaalo ah .

Madaxweynaha oo saaran baaburta shicibka ayaa waxaa uu kormeer ku soo maray laba wasaaradood oo ka agdhaw xaruntiisa madaxtooyada .

Labadan wasaaradood ayaa waxaa ay kala yahiin wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo wasaarada Beeraha waxaana warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin oo aanu ka helayno kormeerkaas madaxweynaha ay sheegayaan in uu madaxweynuhu la kulmey gabi ahaanba wasaaradahaas oo hawaanaya isla markaana masuulyiinta wasaaradahaasi aaney ku sugneen .

Madaxweynaha ayaa waxaa uu hada dib ugu noqdey xarunta madaxtooyada lama garan karo ujeedka uu madaxweynuhu ka lahaa kormeerkaas kadiska ah

Comments

comments

SHARE