Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdraxmaan Maxamed cabdilaahi Ciro waxaa uu ka hadley kulankii saaka ay isku yimadeen saddexda xisbi qaran .

Musharax Ciro waxaa uu ugu sheegay in ay kala aragti ka noqdeen xisbiga Kulmiye waxa la yeelayo doorashooyinka iyo abaaraha.

 

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu sheegay in mowqifka xisbiga Waddani ee doorashooyinka iyo abaaraha ay yahiin in aan xiligan doorasho la gali karin abaarta awgeed isla markaana abaartu maalinba maalinta ka sii danbeysa ay sii xumaaneyso

” Abaartu waa ay sii xumaaneysaa , xoolihii wey wada dhinteen , dhimashadii dadka ayaanu xalay maqleynay waxanu anagu ku qanacsanahay maadaama intaas oo goobood dadku ka maqan yahiin in aanay suurto gal aheyn in 21 bishan kaadhadh loo qabin karin maadama oo dadkii loo qeybin lahaa70% ay maqan yahiin ” ayuu yidhi Musharax cabdiraxmaan Ciro

Comments

comments