Aaron Ramsey & Olivier Giroud Oo Arsenal Guul Soo Laabasho Ah Ku Hogaamiyay, Preston North End Oo Gunners Xaalada Ku Adkaysay Iyo Kooxda Wenger Oo Wareega Afraad Ee FA Cupka Iska Xaadirisay.

Arsenal ayaa u soo baxday wareega afraad ee FA Cupka waxayna kula midawday kooxaha ree Manchester iyo kooxo badan oo wareega afraad u soo baxay laakiin Gunners ayaa soo gaadhay guul ay ku rafaaday isla markaana soo laabasho ahayd oo ay xili danbe ka soo gaadhay kooxda Preston North End. Aaron Ramsey ayaa daqiiqadii kowaad ee qaybtii labaad Gunners u keenay goolka barbaraha halka  Olivier Giroud uu daqiiqadii 89 aad kooxdiisa u keenay goolka ay isku badbadisay.

Olivier Giroud ayaa muujiyay in kulan kasta oo uu xili ciyaareedkan ku soo bilawday shaxda Gunners ee tartamada oo dhan uu goolal dhaliyay isaga oo 10 gool u dhaliyay kooxdiisa Gunners taramada oo dhan.Arsenal ayaa dirqi kaga soo badbaaday halista kooxda Preston oo gool ku hormartay bilawgii kulankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Preston (4-4-2): Maxwell; Vermijl, Clarke, Huntington, Cunningham; Gallagher, Pearson, Johnson, McGeady; Robinson, Hugill.

Kaydka: Lindegaard, Browne, Makienok, Doyle, Spurr, Pringle, Horgan.

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Maitland-Niles, Mustafi, Gabriel, Monreal; Ramsey, Xhaka; Oxlade-Chamberlain, Iwobi, Lucas; Giroud.

Kaydka: Holding, Welbeck, Jenkinson, Martinez, Reine-Adelaide, Willock, Dasilva.

DAQIIQADII 7 AAD GOOOOOOOOOOL! Kooxda martida loo ahaa ee Preston ayaa xili horeba heshay goolkeeda furitaanka ee ay kaga naxsatay Arsenal waxaana goolkan u saxiixay Callum Robinson kaas oo kubbad caawin ka helay Jordan Hugill kaas oo kubbad qurux badan goolkan ku caawiyay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Preston hogaanka ciyaarta ku qabtay.
DAQIIQADII 24 AAD Preston ayaa heshay fursad goolkeeda labaad loo qaatay balse Arsenal ayaa ka badbaaday halis la mid ah midii lagu dhaliyay goolkii furitaanka kadib markii ay isku xidhmeen  Callum Robinson iyo All Hugill  oo markii horena goolka iska iska caawiyay laakiin All Hugill ayaa awoodi waayay in uu kubbada dhamaystiro.

DAQIIQADII 36 AAD waxay ahayd in Arsenal ay hesho goolka barbaraha iyada oo Alex Iwobi uu shaqo cajiib ah ka soo qabtay saddex difaac laakiin xidiga orodka gaabiya ee Giroud ayaa awoodi waayay in uu kubbada gooka ku darbeeyo ama uu gool caawin sameeyo waxaana Gunners ka luntay fursad ay ciyaarta ugu soo laaban kareen. Lucas Perez ayaa sidoo kale fursado helay waxayna Gunners dadaal badan ugu jirtay sidii ay goolka barbaraha kula imanlahayd

DAQIIQADII 39 AAD Mustafi ayaa laba qalad sameeyay taas oo keentay in Gallagher uu tijaabiyo Ospina laakiin Monreal ayaa dirqi halista iskaga saaray waxayna Gunners markale ku sigatay in goolka labaad laga dhaliyo. Si kastaba ha ahaatee qaybtii h–e ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Preston hogaanka ciyaarta ku haysay.

DAQIIQADII 46 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay isla daqiiqadii ugu horaysaysaba Arsenal la timid goolkeeda barbaraha waxaana darbo aan la joojin karin goolkan ku dhaliyay Aaron Ramsey balse shaqada ugu fiican iyo gool caawin uu caadis badan u soo maray ayuu Alex Iwobi sabab ugu noqday in kooxdiisu ay si deg deg ah goolkan ku kula timaado waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah

Laakiin ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad badan isla markaana kaadhad badan oo digniin ah la bixiyay iyada oo koox kastaaba dagaal ugu jirtay sidii ay difaaceeda u ilaashan lahayd isla markaana ay ula iman lahayd goolkeeda labaad balse xaalada ayaa noqotay mid aad u adag.

DAQIIQADII 77 AAD  Olivier Giroud ayaa kubbad shabaqa ku taabtay laakiin calanka offsideka ayaa taagnaa wuxuuna noqday gool aan sharci ahayn oo aan Gunners waxba u soo kordhin. Arsenal ayaa ka baxsanaysay in kulan ku celis ah ay la ciyaarto Preston waxayna dagaal ugu jirtay goolka guusha.Olivier Giroud ayaa caawiyaha garsooraha ku orday wuxuuna ku dooday in goolkiisu uu sharci ahaa balse taasi waxba may badalin.

DAQIIQADII 83 AAD Arsene Wenger ayaa kaydkga uga yeedhay xidiga waqti dheer garoomada dhaawaca kaga maqnaa ee Danny Welbeck wuxuuna badalay Oxlade-Chamberlain. Waa kulankii ugu horeeyay ee uu Welbeck ka soo muuqday Gunners tan iyo 8 May, 2016 kii.

DAQIIQADII 89 AAD GOOOOOOOOOOOOL!  Olivier Giroud ayaa markale noqday geesiga Arsenal ee xaalada adag ka saaray wuxuuna kooxdiisa u dhalyay goolka ay guusha kaga soo gaadhay Preston North End oo Gunners xaalada ku adkaysay wuxuuna  Olivier Giroud goolkan ay kooxdiisu sida wayn ugu baahnayd uu ku dhaliyay kubbad caawin uu sameeyay  Lucas Pérez waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Gunners ugu danbayn dhinca kale ugu dhigtay natiijadii golka looga hormaray.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay Arsenal ku soo gaadhay guul soo laabasho ah isla markaana ay ugu soo baxday wareega afraad ee FA Cupka waxayna Gunners ku biirtay kooxaha Manchester City iyo Manchester United oo ka tirsanaa kooxo badan oo u soo baxay wareega 32 ka kooxood waxaana jiri doona kulamo kale oo habeendanbe la ciyaari doono.

 

Comments

comments

SHARE