Somaliland: Murashax Cirro Oo Guryahooda Ku Booqday Suxufi Cali Jibriil Aabihii Iyo Xildhiban Nacnac Hooyadii Oo Xanuun U Jiifa

Murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa jimcihii shalay guryahooda ku booqday Aabo Jibriil Xirsi Diiriye oo dhalay suxufi Cali Jibriil Xirsi iyo Hooyo Ardo Cabdillaahi Diiriye oo dhashay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo labaduba xanuun u jiifa guryahooda oo ku yaala degmada Axmed dhagax eemagaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa booqashadaas, ku weheliyay xildhibaan Nacnac oo ah xildhibaanka ugu wax qabadka badan xildhibaanadii laga doortay gobalka Maroodi-jeex iyo Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha degmada Axmed Dhagax kana tirsan guddiga Afgarad.

Murashax Cirro ayaa Oday Jibriil Xirsi iyo hooyo Ardo Alle uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo oo uu xanuunka ka dulqaado. Jibriil iyo Ardo oo ah dad waaweyn oo ehlu cibaado ah oo xanuun u jiifa, ayaa iyaguna Murashax Cirro uga mahadceliyay booqashadiisa, waxaanay tilmaameen inay muujinayso inuu yahay hoggaamiye bulshadiisa ka war haya, waxaanay Alle uga baryeen inuu ku guleeyo halganka uu ku jiro.

Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in Murashax Cirro dhawaan taakulo gaadhsiin doono dad danyar ah oo uu xildhibaanku hore ugu dhisay guryo ay ku noolaadaan.

Comments

comments

SHARE