Somaliland: Macaluul Gaar u ah Dabaqadaha Hoose Oo Dalka Ka Curatay Iyo Sicir-barar Xadhkaha Goostay Oo Baanka Dhexe & Hay’adaha Maaliyaddu Masuul Ka Noqdeen

Somalia: Mogadishu Government hunts for fake-cash bank teller
The money was taken from a bank safe and swapped with fake notes

Xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan guud ahaanba Somaliland, ayaa halkii ugu hoosaysay maraysa, waxana sicir-barar ku yimi maciishadii daruuriga ahayd ee la quudan jirey keentay inay dadkii danyarta ahaa awoodi waayaan inay iibsadaan wixii ay noloshooda ku dabari lahaayeen.

Sicir-bararka ku yimi quutal-daruuriga oo maalinba maalinta ka dambaysa kor usii socda, ayaa waxa sabab u aha qiimaha lacagta qalaad ee dollar oo oo taariikhda halkeedii ugu sarraysay maraysa, waxana dhibaatada socota ee noloshii umadda ku dhacaysa markhaati ka ah oo daawanaya hay’adihii qaranku u xilsaaray oo ay Baanka dhexe ee wasaaradda Maaliyaddu kaw ka yihiin.

Qiimaha lacagta qalaad ee Dollarka, ayaa suuqyada waaweyn ee caasimadda Hargeysa ka maraya 8500,SLSH(siddeed kun iyo shan boqol), waxana saacad saacad kor ugu kacaya dhammaanba waxyaabaha quutal daruuriga ah oo dollarka kacay la jaanqaadaya, iyada oo ay taasi keentay inay bulshadii waxba iibsan kari weydo, isla-markaana uu lumo miqyaaskii iyo qiimihii u degsanaa waxyaabaha la kala iibsanayo, maadaama daqiiqad kasta qiimaha kor loosii qaadayo.

Korodhka qiimaha dollarka iyo midka maciishaddaba waxa dabada ka wada oo dallacaya ganacsato ma naxayaal ah oo dhiigga bulshada ka baayac-mushtareeya, kuwaas oo ka faa’iidaysanaya fadhiidnimada hay’adaha dawladda ee gudan waayey waajibaadkoodii distooriga ahaa ee ay ku kantarooli lahaayeen dhaqdhaqaaqyada naxariista ka fog ee ganacsatu samaynayso.

Cidda dhibaatan masuulka sida gaarka ah uga ah, ayaa ah shirkadaha ugu waaweyn ee xawaaladaha iyo Baananka madaxa bannaan ku leh waddanka, kuwaas oo sarrifle-yaal iyaga u shaqeeya oo dollarka u ururiya suuqa kusoo daystay, isla-markaana marka ay dollarka qiimo hoose ku wada xaraystaan soo daynaya marka uu yaraado, iyaga oo qiime sare ku bixinaya marka dambe.

Baanka dhexe ee dalka iyo weliba wasaaradda maalilyadda, ayaa iyagu u muuqda qaar hurdo dheer galay oo ka seexday inay wax tallaabo ah ka qaadaan qiimo-kaca aan caqliga geli Karin eek u yimi dollarkii iyo weliba maciishadii quutal daruuriga ahayd oo marba marka kasii dambaysa kor usii kacaya, isla-markaana gaadhay heer uu qof weliba badeecadda uu iibinayo wixii uu doonayo ku iibiyo.

Koobka shaaha ah, ayaa meelaha qaarkood oo kamid ah caasimadda Hargeysa qiimahiisa kor loo qaaday, waxana uu gaadhay 1500slsh, halka uu markii hore ka ahaa 1000slsh, waxana la sheegayaa xaafado kamid ah caasimadda oo xataa lacagtii bas-raaca kor loo qaaday, maadaama la sheegayo in qiimihii shidaalka laftiisa kor u kac ku yimi.

Guryo badan oo magaalooyinka dalka iyo meelaha miyiyada ah ku yaalla, ayaan dab laga shidin, kadib markii dadku tahli kari waayeen inay cuntadii daruuriga ahayd iibsadaan, waxana taas raacda oo ka daran abaar baahsan oo dalka ku dhufatay oo ay wehelinayso xoolihii noolaa ee uu Sucuudigu xayiraadda saaray.

Ilaa hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen Baanka dhexe iyo wasaaradda Maaalilyaddu, waxana gacmo madhan taagan oo aan wax natiijo ah haynin guddu arrimaha sicir-barark ah oo uu sanadkii hore madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay arrimaha sicir-bararka iyo qiime-kaca dollarka wax ka qabtaan, kuwaas oo u muuqda inay danahooda ku kala faafeen.

Haddii ay sii socdaan sicir-bararka maciishada ee hay’adihii dawladdu markhaatiga ka yihiin waxa dalku gelayaa jawi u keedaan kara inay dawlad fadhiid ahi ka arrimiso, waxase haatan xukuumadda looga baahan yahay inay tallaabo degdeg ah oo nolosha bulshada wax lagaga qabanayo qaaddo, isla-markaana ka fikirto oo badka keeno shuruuc adadag oo lagaga hortagayo gacsatada dhiig ku naaxyada ah ee ku istareexaya qadoodiga danyartooda si ay jeebadahooda u buuxsadaan.

Comments

comments

SHARE