Somaliland: Guddiga Doorashada Iyo Murashixiinta Saddexda Xisbi Oo Maanta Kulan Muhiim Ah U Balansan

Saddexda murashax Muuse, Cabdiraxmaan iyo Faysal, ayaa maanta barqada la filayaa inay shir muhiim u ah arrimaha doorashada la galaan guddiga doorashada, waxaanay ka wada hadlayaan suurtogalnimada inay doorashadu qabsoonto March 2017, iyadoo ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo isa soo taraysa.

Guddiga doorashada ayaa ka soo laabtay safar ay ku tageen gobalada dalka oo ay ugu kuurgaleen in goobahihii ay iska diiwaangeliyeen kaadhadhka loogu gayn karo dadka shacabka ahi si ay u codeeyaan doorashada. Warbixintaas ayaa la filayaa inay saddexda xisbi u soo bandhigaan.

Comments

comments

SHARE