Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto ) ayaa waxaa uu ka hadley wareysi dhawaan laga qaaday Musharax Farmaajo oo muran badan ka dhaliyey gudaha Somaliland isla markaana wariyayaashi ka qaaday wareysigaas shaqadii laga ceydhiyey ka dib markii masuulyiinta telefishanka ay ka shaqeeyaan ay sheegay in ay faafiyeen l saxafiyiintaasi muuqaal la isku kab kabey oo been abuur ah

Muddane Xuuto waxaa uu waanooyin wax ku ool ah u soo jeediyey saxafiyiinta Somaliland isaga oo u soo jeediyey in aanay ku dhex melin xisbiyada siyaasada isla markaana ay ka fogadaan wax kasta oo xuruf iyo dhibaato kala dhex dhigaya bulshada Somaliland

Comments

comments