Somaliland: Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Digay In Abaarta Ka Jirta Somaliland Isku Rogto Macaluul

125

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in Abaarta ka jirta Somaliland isku beddesho Macaluul.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cirro oo Maanta ka hadlayey Munaasibad uu Xisbiga WADDANi u soo dhaweeyay taageerayaal ku biiray, ayaa ugu horeyn ka hadlay olole uu sheegay in KULMIYE iyo Xukuumaddu wadaan xilli dalka Abaari ka jirto, waxaanu yidhi, “Xisbiga KULMIYE iyo Wasiirrada Xukuumaddu waxay maalmihii u dambeeyay ku jireen Olole, waxaad moodeysay in indhahoodu aanay arkayn Abaaraha Dalka ka jira ee sii xumaanaya. Waxaan soo jeedinayaa in indhaheenu u soo jeedsadaan Dhibaatada Dalka ka jirta iyo Abaarta oo aad mooddo haddii aan ILAAHAY innaga soo gaadhin inay Macaluul isku beddelayso oo Dadku dhinto.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland wuxuu baaq u diray Xukuumadda iyo Beesha Caalamka, waxaanu yidhi, “Waxaanu Shacabka Somaliland, Xukuumadda iyo Beesha Caalamka ugu baaqaynaa in loo soo gurmado Dadka Abaartu way sii xumaanaysaaye.”

Comments

comments