Somaliland: Shir Lagu lafo-guray sida Loogu Hawlgalayo dib u Furista Dhoofkii Xoolaha

Hay’adaha caalamiga ah ee OIE, FAO iyo AU-IBAR oo caddeeyeen in xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera ay caafimaad qabaan

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xarunta madaxtooyadda waxay ku qabatay shir saddex geesood ah oo wax la iskaga weydiiyay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland ee dhawaan Sucuudigu hakiyay iyo qorshaha qaran ahaan looga hawl-galayo arrintaas.

Shirkan waxa ka soo qeyb galay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Maxjarrada Berbera iyo Ganacsatada xoolaha dhoofisa, sida uu caawa afhayeenka madaxtooyaddu ku faahfaahiyay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u qornaa sidan:-
“Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxa 03.01.2017-ka; ka qabsoomay kulan ballaadhan oo Saddex-Geesood ah oo u dhexeeyey Xukuumadda, Ganacsatada Xoolaha Nool dhoofiya iyo Masuuliyiinta Maxjarrada Berbera. Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee kulankaasi loo qabtay waxay ahaayeen:

1. Xog-waraysi ay saddexda dhinac iska xog waraystaan wararkii iyo arrimihii ugu dambeeyey ee ka soo kordhay joojinta xoolihii ka dhoofi jiray Berbera.
2. Iyo sidii Xukuumad ahaan iyo Ganacsato ahaanba siyaasad iyo talo midaysan looga yeelan lahaa tallaabadii ay Dawladda Boqortooyada Sucuudigu 01.12.2016 ku joojisay Xoolihii ugu soo dhoofi jiray Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankaa waxa goob-joog ahaa dhammaan Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee Xoolaha nool ka dhoofiya Berbera, Masuuliyiinta Maxjarrada Berbera iyo xagga Xukuumadda oo ay goob-joog ahaayeen Wasiirrada Madaxtooyada, Xanaanada Xoolaha, Maaliyada, Arrimaha Dibedda iyo weliba Wasiir-Dawlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha.
Kulankaa waxa warbixin faah-faahsan ka soo jeediyey Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo khubarro kale oo ka tirsan Wasaarada oo aqoon dheer u leh caafimaadka iyo faya-qabka Xoolaha, kuwaasoo si qoto dheer uga warramay in gebi ahaanba Xoolaha dalkeenna ka dhoofaa ay yihiin xoolo caafimaadkoodu taam yahay kana faya-qaba cudurrada ku dhaca xoolaha.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xooluhu waxa kale oo uu sheegay in ay ka Wasaarad ahaan heleen jawaab-celintii baaqii ay Wasaaradda Xannaanada Xooluhu u dirtay urrurada Caalamiga ah ee ku takhasusay faya-qabka iyo caafimaadka Xoolaha. Hay’adahaa Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin OIE, FAO iyo AU-IBAR waxay si buuxda u soo caddeeyeen in Xoolaha ka dhoofa Dekedda Berbera ay yihiin kuwo caafimaad qaba isla markaana ka fayow Cudurrada Xoolaha ku dhaca.

Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa kale oo uu kulankaa Saddex-geesoodka ah ka hor sheegay in bishan (January 2017) ay dhici doonaan laba Shir oo Caalami ah oo si qoto dheer loogu lafa-guri doono Caafimaadka Xoolaha ku nool Geyiga Bariga Afrika. labadaa shir waxay ka dhici doonaan Dalalka Uganda iyo Dubai (UAE), waxana ka qayb geli doona Waddamada Bariga Afrika oo ay ku jiraan Somaliland iyo Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga ah ee ku takhasusay faya-qabka iyo caafimaadka Xoolaha sida: OIE, FAO iyo AU-IBAR iyo Waddamada Carabta ee Xoolaha nool loo dhoofiyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samzam Cabdi Aadan oo iyaduna kulankaasi ka hadashay waxay si qoto dheer oo faah-faahsan uga warrantay muhimadda iyo mudnaanta ay xoolaha nooli u leeyihiin guud ahaanba bulshada dalkeenna, miyi iyo magaalaba. Wasiirku waxa kale oo ay tibaaxday saamaynta ay Dhoofka iyo Iibka Xoolaha Nooli ku leeyihiin dhaqaaleheena iyo dakhliga ka soo gala khasnada qaranka kaasoo dhan 15 Milyan oo Doollar sannadkii. Sidoo kale, Wasiir Samzam waxay sheegtay in xoolaha nooli ay laf-dhabar u yihiin dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka. Tusaale ahaan Dhoofka iyo Iibka Xoolaha nool waxa bulshada JSL (miyi iyo magaalaba) ka soo gala in ka badan 300 Milyan oo Doollar sannad kasta.

Dhinaca kale, waxa iyaguna kulankaa warbixin faah-faahsan iyo talooyinba ka soo jeediyey Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha nool dhoofiya oo si mug leh uga xog warramay dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in Xukuumad iyo Ganacsataba la iskaga kaashado sidii looga dagaalami lahaa joojinta dhoofka Xoolaha nool. Waxa kale oo ay Ganacsatadu tibaaxeen in mulkiilayaasha Maxjarrada ee iyagu Xoolaha Nool ka dhoofiya Berbera ay aad ugu mashquulsan yihiin sidii ay Dawladda Sucuudiga ugu qancin lahaayeen dib u furista Xoolaha Soomaalida ee ka soo dhoofa Dekedda Berbera, maadaama ay yihiin kuwo gebi ahaanba caafimaad qaba ka fayow Cudurrada Xoolaha ku dhaca.

Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha nool dhoofiya waxa kale oo ay kulankaa ka soo jeediyeen in Xukuumadda laga rabo joogtaynta iyo tayaynta kulannada iyo is-xog-waraysiyada u dhexeeya Guddidii uu Madaxweynuhu u xil saaray arrintan dhoofka Xoolaha ee la joojiyey, oo ugu yaraan todobaadkiiba hal mar ay guddidu kulan yeelato. Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha nool dhoofiya waxa kale oo ay soo jeediyeen in Xukuumad ahaan iyo Ganacsato ahaanba si qoto dheer looga hawl galo sidii Xoolaheena dib loogu furi lahaa iyo in la raadiyo suuqyo kale oo Xoolaheena nool mustaqbalka loo iib geyn karo.

Guntii iyo gebagabadii, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu kulankaa soo geba-gabeeyey wuxuu saddexda dhinacba uga mahad naqay ka soo qayb galka kulanka waxana uu sheegay in Siyaasadda hagta Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay salka ku hayso kobcinta iyo taabo-gelinta Ganacsiga uu Dalkeenu la leeyahay Dunida, taasina ay laf-dhabar u yihiin Dhoofka Xoolaha Nooli. Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in kasta oo ay dalkeena ka jiraan abaaro iyo duruufo aad u adag oo halis ku ah nolosha bulshadeena, gaar ahaan xoolo dhaqatada, hadana ay Xukuumad ahaan xil iyo masuuliyad iska saarayaan sidii looga warhayn lahaa lahaa Ganacsatada Dalka. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu Ganacsatada u xaqiijiyey in aan Xukuumaddu keliya eegayn dakhligii khasnadda Dawladda ka soo geli jiray dhoofka xoolaha, balse ay Xukuumaddu dareensan tahay in dhoofka iyo kala iibsiga Xoolaha nool ay bulshadeena (miyi iyo magaalaba) ka soo galaan in 30 jeer ka badan dakhliga uu qaranku ka helo.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu gunaanadkii kulankaa ka soo jeediyey in ummad ahaan la inooga baahan yahay in lala yimaado xigmad, xeelad iyo hal-abuur aynu wax kaga bedalayno qaabka soo jireenka ah ee aynu xoolaha u dhaqano ama aynu uga faa’iidaysano dheeftooda. Waxa uu soo jeediyey in la dar-dar geliyo guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay arrintan joojinta dhoofka Xoolaha, waana in aynu Xukuumad iyo Ganacsataba si dhab ah hawl galno sidii Xoolaheena dib loogu furi lahaa iyo in la raadiyo suuqyo kale oo Xoolaheena nool mustaqbalka loo dhoofin karo.”

Comments

comments

SHARE