Somaliland: Saladiinta Somaliland Oo Kulan Isku Soo Horfadhiisyay Hoggaamiyaasha Xisbiyada Qaranka, Kana Codsaday In La Joojiyo Dacaayadaha Iyo Hadalada Dadka Kala Fogaynaaya

Saladiinta Somaliland oo is xilqaamay, ayaa isa soo horfadhiisiyay hoggaamiyaasha Axsaabta Somaliland. Kulankan oo ay Saladiintu soo qaban qaabiyeen waxay u jeedadiisu daarnayd, Madaxda Xisbiyadana Saladiintu hordhigeen in dhinac kasta joojiyo dacaayada uu midba ka kale u jeedinaayo, in sidoo kale labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE joojiyaan ololaha ka dhaxeeya una weeciyaan gurmadka abaaraha.

Kulankaas oo saacado badan socday, ayaa ku soo dhammaaday jawi is afgarad iyo isa saamax ay Hoggaamiyaashu iska dhayeen hadaladii kul kulala ee todobaadyadii u danbeeyay ay is waydaar sanayeen.

Murashaxiinta Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo kala duwan iyo eedo siweyn u dhexqaaday bulshada Somaliland isu marinaayay Saxaafadda, taas oo keentay gurmadka Saladiinta sidii ay xaraadadaas u qaboojin la hayeen.

Comments

comments

SHARE