Somaliland: Laba Qof Oo Dhaawacyo Kasoo Gaadheen Tacshiirad Ay Ciidammada Ammaanku Ku Kala dareeriyeen Dhalinyaro Rabshado sameeyey

127

HARGEYSA: Laba Qof Oo Dhaawacyo Kasoo Gaadheen Tacshiirad Ay Ciidammada Ammaanku Ku Kala dareeriyeen Dhalinyaro Rabshado sameeyey  

Hargeysa (Hubaal/Somalilandrise.com) – Inta la ogyahay Laba qof oo dumar ah ayaa ku dhaawacmay rasaas la sheegay in ay ciidanka booliska Somaliland ku kala eryayeen   dhalinyaro rabshado ka samaynayey xaafad ka mid ah magaaladda Hargeysa.

Ma Jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Somaliland, balse Wararka ay shebekadda Somalilandrise.com ka heshay, ayaa sheegay in Labadan Dumarka ahi ay ku dhaawacmay rasaas ay ciidanka boolisku ku doonayeen in ay ku kala dareeriyaan dhalinyaro rabshado ka samaynayey xaafadda Xero Awr gaar ahaan Isgeyska Xero Awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.

Xabadda ay ciidanka Boolisku ku kala dareerinayeen dhalinyaradan rabshadda samaynayey, sida ay sheegeen dadka xaafaddaasi degen ayaa haleeshay labadan dumar ah oo la sheegay in ay ku sugnaayeen halkaasi oo ay ku dhaawacmeen oo loola cararay dhinaca cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dawaynayo

Dhaawaca labadan dumarka ah oo la geeyey cisbitaalka guud ee hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee hargeysa in ay mid ka mid ah xaaladdeeda caafimaad culus tahay, isla markaana ay la tacaalayaan dhaawaca labadan dumarka ah.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiinno arrintan, ayaanay noo suurta gelin in aanu helno, balse waxaanu ku dedaalaynaa in aanu helno ciidanka booliska Somaliland.

LASOCO WIXII KA SOO KORDHA

 

Comments

comments

SOURCESomalilandrise.com
SHARE