Somaliland: Ciidanka Dab Damiska Somaliland Oo Tacaddi Fool-xun U Geystay Saddex Weriye Oo Ka Hawl-galaWarbaahinta Maxalliga Ah

Waxaa Ay Qol Madow Ku Riteen Saddexdan Suxufi oo Ay Hadh Cad Afduubteen, Jidh-dil Iyo Garaacisna U Geysteen

Ciidanka dab damiska somaliland, ayaa sadex suxufi ku xidhay xaruntooda magaaladda Hargeysa kuwaas oo ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawl gasha magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay saaka isku dayeen in ay wax ka soo waydiiyaan warar laga baahiye.

sadex suxufi oo ka la ah Idiris Ismaaciil Cabdi oo ka hawl gala Telefishka Somnewstv, Maxamed Ismaaciil Somaliland Space ChannelTv, Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi oo isaguna ka hawl gala telefishanka RTN, waxaana laba ka mid ah suxufiyiintaasi la soo daaya maanta duhurkii ka dib markii ay u xidhnaaayeen illaa afar saacadood oo ay sheegeen in halkaasi loogu geystay garaacis iyo handidaada

Suxufi Cabdiraxmaan Cilmi xirsi, ayaa laga hadhay weriyeyaasha waxaanay sheegeen in ay isaga ku haysataan warar ay sheegeen in warbaahinta qaar lagu baahiyey oo ay u tuhun san yihiin, waxaanay suxufiiyintan ku xidheen qol cidla ah oo xaruunta dhexdeeda ah, iyaga oo aan saldhig geynin, balse halkaasi ku handday kuna dhex garaacay sida ay suxufiyiintu xaqiijiyeen.

Comments

comments

SHARE