Somaliland: “Ciidanka Boolisku U Dulqaadan Maayo Dadka Kala Taageersan Axsaabta ee Hadallada Isu Marinaya [Warbaahinta], Dadkaas Qaarkood Hore Ayaa Loo Qabtay, Qaarna Hadda Ayaa Gacanta Lagu Hayaa…..”

107

Hoggaanka  Booliska Oo Luuqad Adag Ugu Hanjabay Kaadiriinta Axsaabta Hadallada Naxliga Leh Warbaahinta Isu Mariya

 “Qof Kastaa Ha Ka Feejignaado Waxyaabaha Qaranka Waxyeellaynaya, Bulshadana Dhegaheeda Xumaynaya Ee Werwerka Gelinaya, Ciidankuna Waxaas Iyo Wixii La Mid Ah Waxaa Uu…….” – Jananka Ciidammada Booliska JSL

+++++++++

“Ciidanka Wuxuu Gelayaa Hawlgal Aan Kala Go’ Lahayn Oo Lagu Qaadayo Dadka Xun Ee Had & Jeer Sida Khaldan Warbaahinta Uga Hadla, Meel Kastoo Uu Joogana Waa Loogu Tagayaa!!!” – Taliye-ku-xigeenka Booliska

+++++++++

“Dhawaan Illaa Laba Boqol Oo Tuug Iyo Rabshooleyaal Ah Ayaa Ciidammada Boolisku Xabsiga Dhexe U Gudbiyeen………. Ciddii Rabshadahaas Samaynaysaay Ogaada In Aanu Gacan Bir Ah Idinku Qabanayno” – Afhayeenka Booliska

+++++++++

“Ciidanka Boolisku U Dulqaadan Maayo Dadka Kala Taageersan Axsaabta ee Hadallada Isu Marinaya [Warbaahinta], Dadkaas Qaarkood Hore Ayaa Loo Qabtay, Qaarna Hadda Ayaa Gacanta Lagu Hayaa…..”

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa heegan buuxa la geliyey, isla markaana Caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee gobollada dalka ka bilaabay hawlgallo lagu qabqabanayo cidda ku kacda falal nabadgelyada waxyeellayn kara oo ay ka mid yihiin Dadka kala taageersan Xisbiyada Siyaasadda ee hadallada aan wanaagsanayn ama xanafta leh Warbaahinta qaarkeed isu mariya, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Taliska guud ee Boolisku.  Xarunta Taliska guud ee Ciidammada Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay Ciidammo ka tirsan kuwa Hawlgallada samaynaya oo heegan ahaan ama dhoolla-tus ahaan u muuqday, ayey Maanta Taliyaha, Taliye Ku-xigeenka iyo Afhayeenka Boolisku Warbaahinta qaar kula hadleen, iyaga oo faahfaahiyey sababta heegankan iyo hawlgalladan keetay. “Ciidammada boolisku waxaa ay halkan isugu yimaadeen inay xilka iyo waajibaadka dalka ka saaran gutaan oo ah inay nabadgalyada qaranka sugaan, inay wixii dembiileyaal u ah qaranka soo qabtaan”. Sidaas ayuu yidhi afhayeenka ciidammada booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo isaga iyo taliyaha ciidammada booliska JSL Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan shalay warbaahinta kula hadleen xarunta taliska booliska eemagaallada Hargeysa. Afhayeenku waa uu sii watay hadalkiisa waxaana uu intaas ku daray “ Dhawaan wiigii dhawayd illaa laba boqol oo tuug ha noqdaana ama rabshooleyaal ha noqdaana ayaa ay ciidammada boolisku xabsiga dhexe u gudbiyeen, sidaas oo ay tahay ciidammada booliska ee immika halkan [goobta ay warbaahinta kula hadlayeen] taagan in le’eeg ayaa suuqa ku dhex jirta oo amniga sugaysa. Waxaa kale oo aad ogtihiin xalay iyo habeen horeba rabshado ayaa ka socday xagga xaafadda daami, ciidammada boolisku gacan adag bay ku qabteen immikana way galayaan, waxaanan uga digaynaa ciddii rabshadahaas samaynaysaay in aanu gacan bir ah idinku qabanayno”. Ayuu yidhi gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi, afhayeenka ciidammada Booliska Somaliland.  Sidoo kale janan ku xigeenka ciidammada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isaguna halkaasi ka ka hadlay ayaa  heeganka culus ee ciidammada la geliyey ku tilmaamay mid  ka mid ah hawl-gallada caadiga ah ee u joogtaysan ciidamada Booliska  “Ciidanka Bilaysku isaga oo waajibkiisii distooriga ahaa ee loo aasaasay gudanaya kaasi oo ah ilaalinta nabadgalyada iyo qarannimada dalka wuxuu gelayaa hawlgal aan kala go’ lahayn  oo lagu qaadayo dadka xun ee had iyo jeer warbaahinta sida khaldan uga hadla, iyada oo la ilaalinayo nabadgalyada qaranka ayaa ciidanka boolisku gudanayaa waajibaadkiisa meel kastoo uu joogana waa loogu tagayaa   oo lala xisaabtamayaa”. Sidaas ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidamada boolisku Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, waxaanu intaa ku daray isaga oo la hadlaya shacbiga reer Somaliland ee sida wanaagsan ula shaqeeya ciidanka “dadweynaha wanaagsan iyo shacbiga sida wanaagsan ula shaqeeya booliska waxaanu u sheegaynaa hawshaas uu ciidanku gudanayo inay gacan ku siiyaan”. Ayuu yidhi Mr. Fooxle. Gebogabadii halkaasi waxaa isaguna ka hadlay taliyaha guud ee ciidammada booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaanu sharrax dheeri ah ka bixiyey meellaha uu khusayn doono hawlka noocanoo kale ahi, balse aanu ku koobnaan doonin oo keliya rabshad wadeyaasha “ heeganka ciidanka buliisku ma aha caasimada oo keliya ee waa mid dhammaan jamhuuriyada saamaynaya, waxaanay ciidammadu gelayaan hawl gallo”. Sidaas ayuuyidhi Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan,waxaanu intaa ku daray isaga oo sii faahfaahinaya hadalkiisa “beryahan dembe waxaa jiray hadallo Media-yaha [warbaahinta] la isu marinayo oo dad kala taageersan axsaabta qaranku  ay is weydaarsanayaan. dadkaas qaarkood hore ayaa loo qabtay, qaarna hadda ayaa gacanta lagu hayaaee  waxaan halkan uga soo jeedinayaa oo aan  dadkaas uga digayaa in cid kastoo falalkaas ku kacda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, waayo wixii qarannimada iyo  nabadgalyada wax yeellaya ciidanka boolisku u dul qaadan maayo ee gacan bir ah ayuu ku qabanayaa isaga oo hay’adaha kale ee amniga la  kaashanaya”. Ayuu taliye Fadal yidhi. Ugu dembeyn waxaa uu taliyuhu waxaa uu farriin u diray shacbiga isaga oo farta ku fiiqay dhex dhexaadnimada ciidanka iyo adeega uu bulshada u hayo “Ciidanka boolisku waa u dhex dadka, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in qofkastaaba uu ka feejignaado waxyaallaha nabadgalyada qarankan Somaliland carqaladaynaaya ama bulshada dhegaheeda xumaynaaya ee warwarka gelinaya, waxaas iyo waxa la midka ahba ciidanka boolisku u dul qaadanmaayo”. Ayuu taliyaha ciidamada boolisku hadalkiisa ku soo xidhay.

Gunaannada

Shirkaasi jaraa’id ka dib  waxaa ay ciidammada ammaanku heegan culus ka galeen jidadka iyo baraha isgoyska ee waddooyinka kuwaas oo illaa xalay gaaf wareegayay magaallada Hargeysa isla markaana baadhitaano ay ku sugayaan amniga ka  fulinayay, sidaasi si la mid ahna magaalo madaxyada dalka ayaa heegankan ay ciidammadu ka galeen.  Wariyeyaal ka tirsan wargeyska HUBAAL oo xalay  u  kuurgalay heeganka ay ciidammadu kujiraan iyo hawlgallada ay amniga ku sugayeen ayaa xaqiijiyey in ay ciidammadu ay hawlgalkooda labanlaabeen, iyagoo si taxadir iyo tixgelin isuguladhan ula macaamilayay shacbiga iyo baabuurta waddooyinka maraya. Goob joogeyaal kale oo ka tirsan shacbiga ayaa iyaguna HUBAAL u sheegay in ay arkayeen kolanyo ciidammo ammaanka ah oo gaaf wareegaya xaafadaha dhexdooda cawayskii dhexe eexalay iyadoo weliba uu jawiga magaallada Hargeysi   gabadano ahaa oo dhaxan badani dhacaysay.waxaanay goobjoogeyaashani ku ammaaneen ciidanka in sugitaanka amni ee xaafadaha magaaalllada oo xilliyada habeenkii ay rabshado  kala kulmi jireen isla markaana cabsi darteed aan loo mari kari jirinmeellaha qaar hase yeeshee illaa xalay markii dhawaaqa ciidanku soo baxay ay si hufan bulshadu u isticmaalaysay waddooyinka qaar.

Comments

comments

SHARE