Qaranka iyo Bulshada Somaliland Baa Dhibane ka ah Eedaha loo Haysto Guddoomiye Cirro

157

Waxaan halkan ku soo qadimayaa qormadii labaad ee falladeyda la xidhiidha naqdiga kulankii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la soo weriyay inuu Nairobi 20-kii Bishii December kula yeeshay Ra’iisul-wasaaraha xilkiisu dhammaaday ee dawladda Muqdisho Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Qormadan labaad, waxaan isku dul-taagi doonaa hagardaamooyinka kale ee Guddoomiye Cirro ka galay dalka ee saamaynta ku yeeshay horumarkii wadanku hiigsanayay. Waxaan sababeyn doonaa Hoggaaminta Guddoomiye Cirro ee aqalka Wakiiladda oo aan qabo in hankiisa siyaasiga ahi ay dhaawacday shaqadii uu qaranka u hayay.

Haddaba, akhristoow dhugumo u yeello dhawrka qoddob ee soo socda oo la xidhiidha waxyeellada ka dhalatay Hoggaaminta madow ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Muddadii 12-ka sannadood ahayd ee uu majaraha u hayay Golaha Wakiiladda oo ah kii ugu horreeyay ee baarlamaan ee shacbigu si dimuqraadiyad ah codkooda ugu soo doorteen dabo-yaaqadii sannadkii 2005-tii.

1-Guddoomiye, waxaad tahay masuulkii koowaad ee isagoo xilka Guddomiyenimo haya xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda (House of Representatives), shaqadaas culayska leh ku darsada inaanad noqoto Guddoomiye Xisbi mucaarid ah iyo waliba murrashax u ordaya doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 28-ka March 2017-ka.
Shaqooyinka siyaasiga ah ee aad ku ilowday xilkii ummadda aad u haysay, waxay naafeysay shaqadii sharci dejinta ee Goluhu ummadda u qaban lahaa. Waxaana Golaha ku baaqday xeerar badan oo aqalka horyaalla muddo dheer oo la ansixin kari lahaa, dalkuna ku shaqeyn lahaa.
Golaha Wakiiladdu maanta waxa uu u jiraa uun magac ahaan, laakiin wax shaqo ah oo ummaddii dooratay uu u hayaa ma jirto, iyadoo aad ku guulaysatay inaad shaqadii golaha curyaamiso oo haddii ay tahay shaqadii wadareed ee Golaha iyo tii Guddi-hoosaadyadu qaban lahaayeenba.
Waxa habboonayd haddii aad caashaqday siyaasadda inaad kaalin ku yeelato, waxa kuu wanaagsanayd inaad iska casisho xilka Baarlamaanka oo aad xisbigaaga u ban-baxdo, haddii aad sidaas sameyn lahayd waxa sii socon lahayd shaqadii Golaha oo naaneys iyo magac xummo kaama raacdeen.
Waxa laguu tirayaa inaad xeerar badan oo aad is tidhi xukuumadda ayay dani ugu jirtaa aad kalfadhi kasta ka saarto ajendeyaasha kalfadhiga.
2- Mudane Guddomiye, waxaad isku haysaa xilal marka la eego dhinaca siyaasadda iska soo horjeeda, taas oo marnaba ayna suuragal ahayn in aad is waafajiso, waxase loo baahan yahay inaad mid uun iskugu cago duwato. Haddii kale waxaad ka sii dhaxli doonaa khaatumadii ugu weynayd.

3- Guddoomiye, haddii aanay ku qorayn dastuurkeenna iyo xeerarka jira ee dalkeenna, qoddob diidaya inaad xilalkan qaranka iyo kuwa xisbiga mucaaridka ah iyo siyaasadahooda isku wado ama wada hayso, waxaan ku sheegayaa in uu diidayo caqliga saliimka ahi. Waxase wanaagsan waayo-aragnimada taban ee laga kasbaday Hoggaamintaada, in mustaqblka laga fikiro in xeer hoosaadka golaha cusub ee baarlamaanka lagu daro in aanu Guddoomiyaha Golaha noqon karin, nin xisbi madax u ah ama murrashaxnimo madaxweyne doonaya.
Damacaaga siyaasiga ahi waxa uu ku fadhiistay oo naafo ka dhigay aqalkii hoose ee Baarlamaanka oo ah ka shaqada ugu badan ee sharci dejinta dastuurku u jideeyay. Halkaas waxa ka soo baxday inaad sifo shaqsi ah ugu gabood fashay oo uga daneysatay ammaanadii shacbigu ku saaray, iyadoo if iyo aakhiraba lagula xisaabtami doono.

Comments

comments

SHARE