HORDHAC: Arsenal vs Crystal Palace- Kooxda Arsene Wenger Ee Gunners Oo Kaalinta Sadexaad Kala Bixi Karta Man City.

172

Arsenal ayaa u baahan guul in ay ka gaadho kooxda Crystal Palace si ay kaalinta sadexaad ugala bixi karto Manchester City oo guuldaro kala soo laabtay Liverpool. Kooxda Arsene Wenger ee Gunners ayaa Emirates Stadium ku soo dhawanaysa kooxda Crystal Palce oo uu u la wareegay Sam Allardyce kaas oo markiiba isbadal ka sameeyay kooxdan.Arsenal ayaa u baahan in ay ka taxadarto halista saamaynta Big Sam kaas oo khibrad badan u leh Premier Leaque-ga isla markaana fahansan goobaha ay Gunners ku liidato.

XOGTA KULANKAN:

TARTANKA: Premier Leaque kulankiisa 19 aad.

KULANKA: Arsenal vs Crystal Palace

GAROONKA: Emirates Stadium

WAQTIGA: 7:00 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika

GARSOORAHA: Andre Marriner 

Arsenal ayaa rekoodh fiican ka haysata kooxda martida u ah ee Crystal Palace waxayna ka soo guulaysatay 11 kii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka Premier leaque-ga iyada oo saddex kulan oo kale ay babraro ku dhamaadeen 14 kii kulan ee ugu danbeeyay.

Crystal Palace ayaa hal kulan oo kaliya waligeed Gunners garoonkeeda guul ugaga gaadhay waxayna ahayd October 1994 markaas oo ay Arsenal ku ciyaari jirtay garoonkeedii h–e ee Highbury iyada oo John Salako uu laba gool u dhaliyay Crystal Palace waxayna guushaas ku gaadhay 2:1.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Waxay u badan tahay in Theo Walcott uu wali ka sii maqnaan doono kooxdiisa  wuxuuna safka Gunners ka maqnaa tan io maalintii Boxing Day-ga ee ay Gunners guusha ka gaadhay West Brom.Waxa kale oo Arsenal ka sii maqnaan doona Kieran Gibbs balse Shkodran Mustafi ayaa soo laabtay wuxuuna diyaar u yahay in uu kooxdiisa caawiyo. Xidiga waqti dheer maqnaa ee  Danny Welbeck ayaa isna soo laabtay.

LIISKA ARSENAL:Cech, Ospina, Bellerin, Jenkinson, Holding, Gabriel, Mertesacker, Koscielny, Mustafi, Monreal, Elneny, Coquelin, Xhaka, Oxlade-Chamberlain, Ozil, Reine-Adelaide, Walcott, Iwobi, Sanchez, Giroud, Welbeck

Waxaa Crystal Palace kulankan ka ganaaxan Damien Delaney laakiin waxa Big Sam u soo laaban kara James Tomkins laakiin waxaa kulankan iyaguna soo laabtay James McArthur iyo Joe Ledley. Remy ayaa tababarka ku soo laabtay laakiin waxaa waqti dheer sii maqnaan doona Connor Wickham, Bakary Sako, Pape Souare and Steve Mandanda.

LIISKA CRYSTAL PALACE:Hennessey, Speroni, Ward, Dann, Tomkins, Kelly, Fryers, Lee, Ledley, Phillips, Winter, Husin, McArthur, Townsend, Boateng, Zaha, Cabaye, Mutch, Puncheon, Benteke, Campbell, Flamini.

SHAXAHA MAQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

KAYDKA ARSENAL:Ospina, Martínez, Jenkinson, Gabriel, Holding, Elneny, Ramsey, Reine-Adélaïde, Sanogo, Pérez

KAYDKA CRYSTAL PALACE:Speroni, Fryers, Phillips, Wynter, Sako, Lee, Husin, McArthur, Ledley, Mutch, Campbell, Tomkins, Rémy

Comments

comments

SHARE