Somaliland: 12 Qof oo Xanuunka Shuban Biyoodka ugu Geeriyooday Deegaanka Coodanle

Daryeelle caafimaad oo sharraxay duruufo adag oo ka taagan deegaankiisa iyo baahida jirta

Madaxa caafimaadka ee deegaanka Coodanle oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, Cabdi Maxamed Cali, ayaa xaqiijiyay in xanuunka shuban biyoodku ka dilaacay deegaankaas isla markaana ay halkaasi ugu geeriyoodeen laba iyo toban qof.

Cali Maxamed, waxa kaloo uu sheegay in deegaanka Coodanle ay ka jirto abaar kulul oo dad iyo xoolaba saameyn weyn ku yeelatay, isla markaana ay ku sugan yihiin dad tiro badan oo ka soo hayaamay deegaanno kala duwan, waxaanu ugu baaqay wasaarada caafimaadka in ay gurmad degdeg ah oo dhanka caafimaadka ah lala soo gaadho dadkaasi. “Waxaan ahay daryeelaha deegaanka Coodanle, xanuunku waxa uu bilaabmay bishii October dabayaaqadeedii. dadka inta aanu tiradooda hayno ee xanuunkan u dhimatay ay gaadhayaan 12-qof. laba qof waxa laga soo sheegay dhinaca deegaanka Xadhadhanka, toban qofna aagan ayay ku dhinteen.

laba qof oo kalena xanuunka Oofta ayay u dhinteen, markii hore waxa uu ahaa Shuban-biyood, imikana waxa uu isu bedelay Shuban-dhiig iyo shuban axala, xanuunkan miisaankiisu waa uu sii kordhayaa, sababtoo ah nafaqa la’aantii dadka oo badatay iyo hilibkii macaanaa oo meesha ka baxay, waxaana u sababa hilibka xoolaha aan nafaqadoodu wanaagsaneyn, hase ahaatee dawladda iyo qoladan caafimaadkuba ma dedaal yara, xanuunka shubanka ah dadka waxa u dheer qufac, waxaanu isu bedelay Oof wakhtigan oo ay dhaxan badani jirto,”ayuu yidhi daryeelaha caafimaad ee deegaanka Coodanle oo shalay u warramayay warbaahintu.

Cabdi Maxamed waxa uu wasaarada caafimaadka ugu baaqay inay gurmad degdega la soo gaadho dadweynaha u jiifa xanuunkan shuban biyoodka, waxaannu yidhi “Wasaaradda caafimaadka waxaan ugu baaqayaa inay gurmad degdeg ah oo laba laaban ay noo soo dirto, xanuunkani saacad walba waa uu sii kordhayaa, Ilaahay oo naxariistiisa keenna mooyaane xaaladani inaanay isbedel laheyn ayay u muuqataa, waxaanu leenahay dadka nafaqo iyo daawaba ha lala soo gaadho oo haloogu dedaalo.”

Comments

comments