ururka saxafiyiinta somaliland ayaa saaka tobabaro u furay Qaar ka mid ah saxafiyiinta somaliland ugana furay tobabaradan huteel xaraf ee magaalada hargaysa iyada oo ujeedada tobabaradanina ay daaranaayeen sidii kor loogu qaadi lahaa tayada saxafiga si heer caalami ah.
waxaana munaasibadan ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani ,Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta,Wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta qaranka somaliland, Maareeyaha Televisionka qaranka somaliland, Macalin Yonis cali nuur, hawl waddeenada, kala duwan ee solja, tobabarkan loo furay saxaafada somaliland waxaa loogu talo galay si kor loogu qaado tayada aqooneed ee saxafiga.
Ugu horeyntii waxa ka hadlay gudoomiyaha ururka saxafiyiinta ee solja Maxamuud cabdi jaamac (Xuuto) oo faahfaahiyey muhiimada tobabarkani u leeyahay saxaafada iyo horumarinta arrimaha bulshada dhinaca kalena waxa khudbad dheer ka jeediyey wasiirka wasaarada warfaafinta Cismaan saxardiid caddaani oo dul istaagay qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in wasiirku uu sheegay in ay samayn doonaan Komishan Anshaxa warbaahinta ku saabsan oo ka kooban shicib weynaha somaliland waa sida uu yidhi wasiirkuye, waxaana ka mid ah hadalladii masuuliyiintii madashan ka hadashay.

 

Comments

comments