Somaliland: Xildhibaan Baarlamaanka Sweden ka mid ah oo Caalamka ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

????????????????????????????????????

Wuxuu balan-qaaday in wixii uu ku arkay Somaliland u gudbin doono Baarlamaanka iyo dawladiisa

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden,,ayaa ugu baaqay dalalka Adduunku in ay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qaran jira oo madax-bannaan isla markaana buuxiyay dhammaan shuruudahaca dawladnimo.

Waxa kale oo uu caddeeyay xildhibaankaasi in uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka isagoo intaa raaciyay in uu ka bilaabi doono golaha baarlanaamka ee uu ka tirsan yahay iyo dawladda dalkiisa in uu ka dhaadhiciyo Somaliland sida ay tahay iyo in ay u qalanto in la aqoonsado oo la tixgaliyo rabitaanka shacabka, dawladdooda iyo waxa ay qabsadeen.

Xildhibaan Arhe Ahmednaga oo ka tirsan Guddida Caddaalada ee baarlamaanka dalka Sweden oo socdaal ku jooga Somaliland, ayaa kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland,Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo golaha wakiiladda ka dib.

“Farxad wayn ayay ii tahay in aan Somaliland imaado,waxaanan doonayaa in aan wax ka barto Somaliland oo socdaalkani iigu horreeyo oo aan arko horumarka ka socda iyo halka ay marayso si aan ugu war celiyo dalkaygii iyo baarlamaanka aan ka tirsanahay,waxaan doonayay in aan ogaado wixii aan ka maqlay Somaliland oo ahayd in uu yahay dal nabad ah oo dadkiisuna deeqsiyiin ay yihiin tiina waan arkay dalka shalay(Dorraad)ayaan imika saaka(shakhay) waxaan shaqadayda ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo aan kula kulmay wasiirudawlaha waxaa kale oo aan kulan la qaatay Baarlamaanka kulankaygii sadexaadna waxaan la yeelanay Madaxweynaha Somaliland,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxa kaloo uu balan-qaaday in uu ka shaqayn doono sidii uu Somaliland dawladnimada iyo dimoquraadiyadda iyo rabitaanka shacabka ee uu ku arkayba sidii uu caalamka uga dhaadhicin lahaa isagoo caddeeyay in uu ka bilaabi doono baarlamaanka uu ka tirsan yahay iyo dawladda dalkiisa, waxaanu yidhi, “Waxaan balan-qaadayaa in aan Somaliland ula shaqeeyo si kasta oo awoodayda ah waxaanan aaminsanahay in Somaliland ay u qalanto in la aqoonsado sababtoo ah waa rabitaankiina wax kastana waxaa ka wayn rabitaankiina iyo doonistiia xaqna waad u leedihiin in rabiaankiina la tixgaliyo,socdaalkayga labaadna waxaan rejaynaya in aan Somaliland imaaddo iyadoo la aqoonsaday oo ay heshay ictiraaf caalami ah.”

Dhimaca kale afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo isna sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ay ka mid yihiin xubno in kulankoodu ahaa mid ay isku waydaarsadeen xogta Somaliland iyo ta Sweden iyo iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu uga mahad naqay weftiga reer Sweden socdaalka ay dalka ku yimaadeen kuna booriyay in Somaliland waxay ku arkeen ugu markhaati kuraan oo ay dalkooda iyo caalamkaba gaadhsiiyaan.

Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay weftiga Sweden ayay ku wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Wasiiradda Madaxtooyada,Macdanta iyo Tamarta iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Somaliland,waxaanu kulanku ku soo dhamaaday jawi is afgarad oo aad u wanaagsan.

Comments

comments