Somaliland: Wargeys Caan Ah Mid Mid U Sheegay Saraakiishii Siyaad Barre Ee Ka Qayb-qaatay Xasuuqii Reer Somaliland, Waxa Diidaya Midnimo Dambe Oo Dhex Marta Muqdisho & Hargeysa

384

Majaladda Caanka ah ee falanqeysa Siyaasadda Geeska Afrika ee Horn Diplomat, ayaa warbixin dheer ka diyaariyay sababta aanay mar dambe u midoobi karin Somaliland iyo Soomaaliya.

Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “Sababma ayay Somaliland ula midoobi wayday Soomaaliya?” ayaa waxaa lagaga sheekeeyay dhibaatooyinkii ay shacabka reer Somaliland kala kulmeen dawladdii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre wakhtigii ay la midoobeen ee ay shacabka Soomaalidu u hanweynaa sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo Caddaalad ah.

Warbixinta oo Afka Ingiriisiga ku qorneyd, balse uu Wargeyska Himilo u Turjumay Af-Soomaali ayaa u dhignayd sidan. “Jamhuuriyada Somaliland waxay ku guuleysatay 1960kii madaxbanaani ay ka heshay gumeystihii reer Yurub, waa dalkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee ay doorasho xor ahi ka dhacdo 1960kii, kuwaasi oo ay ku tartameen xisbiyadii SNL, NUF iyo USP.”

Somaliland Waxay la midowday Soomaaliya, waxaanay ay ku guuldaraysteen midowgaasi iyagoo waayay xaq kasta oo ay ku lahaayeen dawladdii Soomaaliya, Waxay isku dayeen inqilaad Dhicisoobay 1961kii.

Xukunkii Dawladdii Siyaad Barre waxay shacabka Somaliland kala kulmeen Takoor, Kufsi iyo in diyaarado lagu duqeeyo magaalooyinkoodii, iyadoo warbixin qaramada midoobay shaacisay lagu sheegay in dagaalladaasi lagu Xasuuqay dad gaadhaya 65000 saddex bilood gudahood. Waxaa la dilay dad aan la aqoonsan, laakiin waxaa sameysmay ururka dhaqdhaqaaqa gobollada Waqooyi, kuwaasi oo dagaal kala horyimid dawladdii Milatariga sanadkii 1981kii ilaa 1991kii.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Dambiilayaasha ka qayb qaatay xasuuqa loo gaystay Shacabka Somaliland “Waxaa jira Dambiilayaal ka qayb qaatay xasuuqa loo geystay shacabka Somaliland kuwaasi oo markii dambe tagay waddamada Maraykanka, Yurub, Afrika iyo Barriga Dhexe, Wax caddaalada waddamada caalamku may horkeenin dambiilayaashaas oo kala ahaa, Madaxwaynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Janaraal Maslax Maxamed iyaad Barre oo ahaa Wiil uu dhalay Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Siciid Moorgan oo uu sodog u ahaa Siyaad Barre, Janaraal Axmed Warsame, Janaraal Gaani, Janaraal Siyaad Daa’uud, Korneyl Cabdilaahi Shaarub iyo Korneyl Yuusuf Cabdi Tuke oo ka mida ahaa saraakiisha hoggaaminaya ciidamaddii dawladda Maxamed Siyaad Barre”

Warbixintani waxaa ay sheegtay in dhammaan nimankaasi ay xasuuq ka geysteen Somaliland isla-markaana aanay jirin wax caddaalada ah oo la hor istaajiyay, waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta in madaxda Soomaaliya ay dambiilayaashaasi u yaqaanaan geesiyaal ka mid ahaa madaxdii Soo martay dalka Soomaaliya, taasina ay sii fogeynayso midnimo dambe oo ay wada yeeshaan labadan dal.

Raggan War-bixintu sheegtay inaan Cadaaladda la hor-geynin, ayaa qaarkood Geeriyoodeen wixii ka dambeeyay Burburkii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya, laakiin qaarkood ayaa weli nool, waxayna ku sugan yihiin Dalalka Yurub iyo Maraykanka, halka qaarkoodna Soomaaliya dib ugu soo laabteen iyaga oo doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Beesha Caalamku u samaynayso Soomaaliya.

Comments

comments