Ilaa Boqol Qoys oo ka mid ah Dadka Abaaruhu ka soo baro-kiciyeen Gobollada bariga Somaliland ee ku sugan deegaanka Carro-yaambo oo Galbeedka ka xigta Hargeysa, ayaa waxa la gaadhsiiyey Deeq iskugu jirta Timir, Dhar, Bustayaal iyo Bacaha Roobka.

Deeqdan oo uu gaadhsiiyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ay ku soo hagaajiyeen Dad Qurba-joog ah, ayaa waxa loogu talo-galay in Deeqdaasi wax ka tarto baahiyaha kala duwan ee haysta Dadkaasi.

Sheekh Aadan-Siiro oo faahfaahinaya Deeqdaasi, ayaa yidhi, “Deeqdan waxa soo diray Dad khayr badan oo ay ka mid yihiin Caasha Sheekh Cawaale oo Ingiriiska ka soo dirtay 120,10 dollar (Kun, Laba boqol iyo 10 dollar), Hayeeya Nuux Caalin oo Dalka Finland ka soo dirtay 463 doollar, Maryan Maxamed Ismaaciil oo 335 doollar u soo dirtay Abaaraha iyo 200 doollar oo ay soo diray Jinow Dalal Cabdi.”

Comments

comments