Somaliland: Xukuumadda oo ka Hadashay Tallaabadii Sucuudigu ku Joojiyay Xooaha

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa ka hadlay go’aanka ay dawladda sucuudigu sheegtay in ay ku joojiyeen xoolaha somalida qaar gaar ahaan Lo’da.

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, maanta ayaa waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland ay caafimaad qabaan, waxaanuu u soo jeediyey dawladda Sucuudiga in ay ka noqoto tallaabadaasi.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Warkaasi wuu na soo gaadhay mana aha war fiican horena taariikgda way ina soo martay tan oo kale tiraba inta la xasuusan yahay laba goor, sannadkii 1983-kii ayaa waxa ay sucuudigu ka cawdeen Lo’da oo ay joojiyeen, imikana sidii oo kale waxa ay ka cawdeen Lo’ ay yidhaahdeen xanuuno ayaa laga helay oo waanu joojinay, xoolaha la hakiyey markaa waa xoolaha somalida guud ahaanba dhulka somalida ayey yidhaahdeen toos ayaanu u hakinay, anagu waxaanu xaqiijinaynaa oo markhaatigeedana leh in aanay xooluhu qabin wax xanuun ah in aanuu jirin wax xanuun ah, waxa jira Hay’ado dhinaca xoolaha aanu ka wada shaqaynno ayaa jira iyo maxjarro waaweyn oo caalami ah ayaa ku yaalla berbera, wasaaraddanna waxa ay qabataa waa caafimaadka xoolaha, Hay’do caalmi ah oo eega xanuunada xoolaha sadexdii biloodba mar ama lixdii biloodba mar ayaanu u dirnaa heerka caafimaadka xooleheenna, markaa anagu ma ogin xoolo qaba xanuun meel aanu ku ognahayna ma jirto, dedaal badan ayaanu ku jirnaa waanu ka xunahay arrintaas oo waxaanu dalbanaynaa in aanu dhacsiinno hay’adaha nagala shaqeeya iyo dawladda Sucuudi Carabiya oo ah suuqa ugu weyn waxaanu ku raji weynahay in ay nagula qancaan, arrinkanna aanu markhaatigiisa cadaynno dedaal fara bandanna waanu ku jirnaa imika.”

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Ama Somaliland ha ahaato ama Somalia ha ahaato ama Itoobiya dhinaca somalidu degto ha ahaato neefka xoolaha somaliga ahi waa noloshii waana dhaqaale mana aha neef aynu siyaasadaynayno, haddii ay ka dhacday hadda dhinaca Somalia waa dhacdo saamaynaysa xoolaha somaliyeed oo dhan sidaas ayuu ula dhaqmay sucuudigu, gar iyo gardarabana isaga ayaa inoo ah suuq inagana waxa ina saaran in aynu ku qancinno in uu arrintaas ka laabto sucuudigu.”

Comments

comments