Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo: 22 Magaalo Ayuu Toban Maalmood ku Dersay Duruuftooda Abaareed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Isniintii toddobaadkan dib ugu soo laabtay Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay socdaalkiisii loogu magac-daray TABANTAABO ee uu ugu kuurgalayay xaaladda adag ee gobollada bariga dalka oo ay ku dhufatay abaar adagi.
Afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa sheegay in socdaalkani iskugu jiray u kuurgelid iyo caawimo la siinayay dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku dhaqan bariga dalka oo ay ka mid yihiin Togdheer, Sool iyo Sanaag.

“Socdaalkani waxa uu madaxweynuhu fulinayay waajibaadka ka saaran badbaadinta dadkiisa oo uu u muujiyay inaynu Ilaahay oo kaliya ku xidhnaano oo uu isagu uun innaga saari karayo masiibooyinka dabiiciga ah ee dalkeennu wajahayo ee abaaraha soo noqnoqday ka mid yihiin,”ayuu yidhi afhayeenka oo ku hadlayay magaca madaxweynaha markii uu ku soo laabtay Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu booqday 22 degmo ama magaallo oo ku yaalla bariga Somaliland oo wakhti ku bixiyay inuu la wadaago duruufta qalafsan ee dadka abaareysani ku nool yihiin,iyadoo uu degaan kasta oo uu marayay gudoon siiyay gurmad raashin iyo biyo iskugu jiray oo ay xukuumadda iyo guddida heer qaran ee abaaruhu ugu tallogaleen.
Dadweynaha deegaannadii uu marayay, waxa uu madaxweynuhu kala kulmay yuhuun wanaagsan iyo taageero dadka tabaaleysani u muujiyeen, kuna faraxsanaayeen sida madaxweynahoodu uga warhayo xaaladooda nololeed.

Comments

comments

SHARE