Somaliland: Madaxweynaha Somaliland oo Salaaddii Jimce la Tukadey Shacbiga Ceerigaabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kuna guda jira safarkiisi la magac baxay Tabantaabo oo maalintii todobaad madaxa la galay ayaa maanta salaadii Jimcaha la tukaday shacbiga ku dhaqan magaalada Ceerigaabo.

Sheekh Maxamed Aadan oo isagu ahaa khadiibka masjidka tujiyey shalay ayaa shacbiga ku dhaqan Somaliland guud ahaa ugu duceeyey in Alle raxmaadkiisa u shubo, abaartana ka jebiyo, waxaanu xusay in socdaalka madaxweynuhu salka ku hayo xaalada abaarta.
Madaxweynaha oo dadweynaha kula tukaday Masjidka Al-taqwa ayaa markii salaada laga baxay laamiyada magaalada soo dhex maray, shacbiguna ay tubnaayeen wadooyinka, iyaga oo madaxweynaha u muujinayay dareen wanaagsan oo wadanimo, iyaga oo ku sifeeyay madaxweynihii ugu horeeyey ee gobolka ugu socodka badnaa intii uu talada dalka hayey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa ay habeer hore kulan muhiima la qaateen Guddida Abaaraha heer qaran iyo kuwa Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas, waxaanay ka wada hadleen xaalada abaartu baaxada ay leedahay iyo sida dadkaas wax loo gaadhsiin lahaa.

Kulankan oo ay guddida abaaraha heer gobol warbixin waafiya ka siiyeen madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyada ku dhaqan dhulkaa, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan reero shan goor ka guuray gurigii ay degenaayeen abaarta awgeed, ka dib markii xerada ay degaanba marka uu waagu beryo ay ugu tegayeen kala badh adhigii xalay la xareeyey oo bakhtiyey.

Madaxweynuhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, ka guddi ahaana ay dedaalkooda sii kordhin doonaan marwalba madaxweynuhuna uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ILLAAHAY ayaa wax badbaadin kare.

Comments

comments