Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

188
Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Garabkii xisbiga Ucid ee uu hogaaminaayay Musharaxii la laaley ee Jamaal Cali Xusseen ayaa s rasmi ah wadda hadalo ula furey xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,

Garabka Jamaal iyo Sido kale Xisbiga Kulmiye ayaana ka waramay Halka ay marayaan wadahadalada u furmay labada dhinac. Ugu horayn Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in laba cisho ay kulamo la qaateen Garabkaasi Jamaal ee Ucid isla markaana ay meel fiican u marayaan.

wadahadaladu, Xogahaye Xassan Siciid oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi;

“Kulamadu shalayto ayay noo bilaambeen maantana waanu kulanay wadahadaladuna si wanaagsan ayay noogu socdaan go,aana wali isla maannaan gaadhin kulamo dambena waa ay noo hadhsan yihiin dee si wanaagsan ayaanu isku qaabilnay intaanaan go,aamo isla gaadhin intaa wax ka badan idiinma sheego karno laakiin waxaan idiin sheegaynaa laba maalmood oo kulamo ah ayaanu yeelanay Waddanina way la kulmayaan oo laba maalmoodba yagana la kulmayaan waanu isku soo noqonaynaayoo meel wanaagsan ayayna wax noo marayaan,”

Dhanka garabka Jamaal Cali Xusseen ayaa waxa ka warbixiyey wadahadalka ay la qaateen xisbiga Talada haya ee Kulmiye Mudane Xasan Cismaan Sabca oo xaqjiiyey in ay jiraan wadahadalo ay la fureen Kulmiye inkasta oo uu xusay in aanay wax go,aan ah wali isla gaadhin waxaanu yidhi;

“Dee waa lawada ogaa dalka in aanu kulamo la leenahay labad xisbiga ee aanu sheegnay shalay iyo maantaba waxaanu la fadhiisanay Kulmiye arimo aan yarayn ayaanu aad uga wadahadalnay mudada iyo maalmaha oo nagu gaabtay aawadeed natiijo maanaan gaadhin sidaa daraadeed markay wax soo baxaan ayaanu warbaahinta siinaynaa war waxa Kaleen fariin gaadhsiinayaa uun Garabkayagii gudo iyo dibadba wixii jooga in ay sidaa ula socdaan wixii talo iyo tusaale ahna waanu uga fadhinaa, Bari iyo Sahan dambe hadii Alle yidhaa waxa noo qorshaysan in aan Waddani la Kulano”

Garabka Jamaal ayaana sida qorshuhu yahay waxa maalmaha arbacada iyo Khamiista waxa ay la kulmi doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyada oo la filaayo in ay iskugu biy shubtaan hadba xisbigii ay dantooda ka dhex arkaan.

Comments

comments