Somaliland: Dacwad Ka Dhan Ah Garabka Cabdiraxmaan Cirro Oo Garabka Muumin Seed U Gudbiyay Maanta Guddida Ansixinta Ururrada

Dacwad Ka Dhan Ah Garabka Cabdiraxmaan Cirro Oo Garabka Muunin Seed U Gudbiyay Maanta Guddida Ansixinta Ururrada

Gudoomiyaha garabtoosinta iyo cadaalada ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa maanta gudida diwaangalinta iyo ansixinta ururada siyaasada ugudbiyay dacwad ka dhan ah xillka qaadista lagu sameeyay gudoomiye ku xigeenka koobad iyo labaad ee xisbigaasi.

Waxaanu Muumin Seed sheegay in sifo sharciga baalmarsan looga qaaday xilkii iyo xubinimadii ay xisbiga kulahaayeen, taasina ay tahay mid aanay marnaba aqbaleyn

Ugu horeyn afhayeenka xisbiga toosinta iyo cadaalada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Hinda Jaamac Gaani oo halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay tidhi

“waxaanu halkan u nimid inaanu gudbino dacwadii aanu mudada badan ka sheegaynay warbaahinta, dacwadan oo isugu jirta dhinacyo badan oo ay kow ka tahay iyada oo sifo sharciga baalmarsan lagaga qaaday gudoomiye xigeenka koobaad ee xisbiga WADDANI iyo ku xigeenkiisa, kuraastii iyo xubinimadii ay xisbiga ku lahaayeen, oo ay tacab faro badan soo galiyeen xisbiga, taasi oo dadka ka qaadanayaa aanay aheyn dad xaq u leh inay ka qaadi karaan, taasi ayaanu nuqulkii dacwada keenay Koomiishanka Ururada Iyo Ansixinta Asxaabta Siyaasada, waana nalaga qatay saaka oo ay bishu tahay 22/11/2016”

Dhanka kale garyaqaankii u doodayay garabka toosinta iyo cadaalada ee xisbiga mucaaridka ee WADDANI oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku qancayaan wixii ka soo baxa dacwadaasi ay gudbiyeen  waxaa uu yidhi “dalku xeerarbuu leeyahay, meelo loo dacwoodo ayaa jiraa, waxaananu hada ugudbinay Koomiishanka Ururada Iyo Ansixinta Asxaabta Siyaasada,dacwadii ka dhanka aheyd xilka qaadistaa sharcidaro, xeer ilaalinta ogbaanu siiney wixii ka soo baxana waanu u hogaansameynaa”

Waxaanay garabkan toosinta iyo cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay sheegeen inay ku qancayaan wixii ka soo baxa.

Comments

comments