Somaliland: Axmed Muumin Seed Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Mid Noqonayo Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo

Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxaya warar sheegaya in guddoomiye-xigeenkii xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed, uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo dari doono golihiisa xukuumadda, marka uu sameeyo isku shaandhaynta la filayo dhawaanahan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Axmed Muumin Seed loo magacaabi doono badhasaabka gobalka Saaxil oo uu bedeli doono badhasaabka wakhtigan Jaamac Yuusuf Axmed oo ay isku jufo hoose yihiin.

Warar kale ayaa iyaguna sheegay in Mr. Seed, uu madaxweyne Siilaanyo ku bedeli doono laba masuul midkood oo kala ah wasiirka waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane iyo wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Prof Maxamed Mixile Boqore oo ay sidoo kale labada isku reer yihiin.

Hase yeeshee Axmed Muumin Seed oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay jiritaanka inuu ka mid noqon doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa meesha ka saaray arrimahan, waxaanu sheegay inuu weli ka tirsanyahay xisbiga Waddani.  “Waxba kama jiraan in Badhasaab la ii magacaabayo, kumana jiro Xukuumadda, ee waxaan ahay Xisbiga Waddani, waxaan ahay Guddoomiyaha garabka toosinta ee Xisbiga Waddani, waxaan ahay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Waddani, wararkan leh Axmed Muumin Seed ayaa laga dhigayaa Badhasaab waa wararkii suuqa, hankayguna maaha in aan Badhasaab noqdo”. sidaas ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed, ayaa u tartamay jagada murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga Waddani oo loo doortay Maxmed Cali Cabdi, intaas ka dibna wuxuu ku biiray koox lagu magacaabo garabka toosinta xisbiga Waddani oo ay hortii ku dhawaaqeen xubno ka tirsanaa guddiga fulinta ee xisbigaas.

Axmed Muumin Seed ayay dhawaan xisbiga Waddani sheegeen inay isaga iyo xubin kale oo ka mid ahaa hoggaanka xisbiga ka saareen gebi ahaanba xisbigaas Waddani, taas oo uu isna dhinaciisa dedefeeyay.

Dadka siyaasadda saadaaliya ayaa tilmaamaya in Axmed Muumin Seed, wada hadal dheer ka dib uu ku biiri doono xisbiga KULMIYE, laakiin lama hubo inuu ka mid noqon doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Comments

comments