Somaliland: Khilaaf Siyaasadeed Oo Ka Dhex Qarxay Wasiirka Madaxtooyada Iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha

146

Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Labada Wasiir, Halkuuse Saldhigan Doonaa??

Tan iyo markii uu qabsoomay shirkii Awrboogays ee ay xukuumadda Somaliland u qabatay beelaha Garaad Maxamuud Dhulbahante waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu khilaaf u dhexeeyo wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo deegaankaasi ka soo jeeda.

Khilaafka labadan Masuul ayaa salka ku haya midhihii ka soo baxay shikrii Awr-boogays oo uu Baashe Cali Jaamac qayb libaax leh ka qaatay balse markii dambe uu wasiirka Madaxtooyadu bilaabay inuu ka tallaabsado isagoo xidhiidho toos ah la sameeyey madax-dhaqameedka beesha Maxamuud Garaad (Dhulbahante).

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray inuu Maxamuud Xaashi mushaharooyin u qoray inta badan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si uu u fududaado xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya isaga iyo garaadada beesha Maxamuud Garaad.

Hase yeeshee waxaa khilaafkaas dabka ku sii shiday kadib markii safarka Madaxwaynaha laga reebay wasiirka Biyaha oo safarkan qayb ka ahaan lahaa maadaama laga hadlayo biyo la’aan iyo abaaro, sidoo kale waxaa jira qoraal la soo dhigay Facebook lagu baahiyo waxqabadka wasiirka Biyaha, qoraalkaas oo si badheedh ah loogu weeraray wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi.

Comments

comments