Garabkii uu Hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID ayaa maanta wada hadalkii u horeeyay la furay xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE.

Kulanka labada dhinac wada yeesheen waxaa uu ka dhacay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa iyadoo warbaahintii dibad joog ka ahayd Kulankaasi.

Wararka aanu helayno ayaa sheegay in kulankaasi lagaga wada hadli sidii garabkaasi ugu biiri lahaa Xisbiga KULMIYE.

Waxaa kale oo la sheegayaa in Garabka Jamaal Arbacada ay kulan kale la yeelanayaan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani.

Kulankani waxaa uu soconayaa ilaa Barito oo Salaasa ah

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa todobaadkii hore sheegay inay wada hadal la furayaan Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani kadib markii musharaxnimadaasi Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID ay meesha k baxday islamarkaana khilaaf soo jiitamay xisbigaasi ka dhacay.

 

Comments

comments

SHARE