Somaliland: Magacyada Laba Marxuum Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Gabiley Ka Dhacay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in shil gaadhi oo aad u naxdin badan uu ka dhacay jidka wayn ee isku xidha magaalooyinka Gabiley iyo Borama.

Shilkan ayaa ahaa isku dhaca laba gaadhi,waxaana shilkani uu ka dhacay sida la sheegay meel u dhaw magaalada kala Baydh ee gobolka Gabiley.

Labadan gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gawaadhida loo yaqaano NOAH iyo Markii,kuwaasi oo ahaa gawaadhida qaadka qaadda.

Waxaaan shilkan  ka dhashay dhimashada laba ruux,kuwaasi oo ahaa darawaliintii kala waday labadan gaadhi ee isku dhacay.

Labadan marxuun ee shilka ku geeriyooday ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Mustafe Muxumed Nuur(gees) iyo Cabdiraxiim  Cabdilaahi Cali (Cagaf).

Maydka labadan ruux ayaa  losoo qaaday cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa, waxana la filayaa in Hargeysa lagu aasi doono.

Comments

comments

SHARE